Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay jiritaanka falal lagu qafaashay dad kala duwan iyagoo loo adeegsaday sixir oo la sheegay inay ku soo badanayaan magaalooyinka waawayn ee Hargeysa iyo Burco beryahan dambe.
Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ay jiraan dad loo xidhay eedaymo la xidhiidha qafaalasho muwaadiniin ay u adeegsadeen sixir, balse uu socdo baadhitaan lagu samaynayo oo la doonayo in lagu ogaado xaqiiqda dhabta ah ee jiritaanka arrimaha noocan ah.
Md. Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahintu waydiisay su’aalo ku saabsan wararka sheegaya dad kala duwan oo laga kaxaystay magaalooyinka dalka oo ay ugu dambaysay gabadh laga badbaadiyey rag ajaanib ah oo ka kaxaystay xaafad ku taal Hargeysa toddobaadkan, waxa uu shaki galiyey xaqiiqda dhabta ah ee falalkan oo uu xusay inay u badan yihiin hadal dadku isla dhexmarayo.
Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waanu ognahay dumar laga soo qabtay Burco, halkan (Hargeysa) qolo la yidhi inan (gabadh) bay afduubeen oo la soo qabtay waanu ognahay, baadhis bay ku jirtaa arrintaasi. Hase ahaatee, hal qodob baa meesha yaal, waalidka ama ehelka dhibanayaasha dadka aan naxariista lahayni sida khaldan u adeegsanayaan ee la sheegayo cid toos ula soo xidhiidhay hay’adihii nabadgalyada oo tidhi ciddaas ayaa iga maqan ama lagu sameeyey way yar tahay hadday jirtana, iminka dalkeenna guud ahaan waxa lagu odhanayaa qof baa la afduubay, qof baa wax la saaray, mid baa la salaamay oo lacag laga qaatay iyo wax badan oo kale, wax la soo taabtay oo uu qofkii dhalay ku odhanayo aniga weeyaana way yar tahay, mararka qaarkood anigu waxaan is idhaa malaha waa dadku ha digtoonaado. Beri dhawayd baa mar nalagu yidhi inta u dhaxaysa Laascaanood iyo deegaanka Kala-baydh ayaa gabadh yar uu ku cunay nin dad-cun ahi, waxa nalagu yidhi ilmihii yaraa waa la soo qaaday, waxaannu waydiinay Laascaanood oo lama soo marin oo lama diiwaangelin, waa la soo qaaday baa la yidhi, haddana waxaannu waydiinay Burco oo iyaguna yidhi nala soo marin, ilaa Hargeysa la keenay oo cusbitaalka wayn ayey taal baa la yidhi, anigaa shakhsiyan tagay oo maan arag. Markaa mushkiladu waxa weeye wax baa soo baxaya laga yaabo inay mid ama laba yihiin kadibna waxa laga dhigayaa boqol, waxaan leeyahay bal horta carruurta ha innaga didinina oo yaanay sas qaadin.”
Waxa kaloo uu sheegay in ay samaynayaan baadhitaan qoto dheer oo lagaga gun-gaadho, waxaannu ugu baaqay cid kasta oo ay ku dhaceen waxyaabo noocan ahi inay warbixin siiso hay’adaha ammaanka, “Haseyeeshee, arrintaas wax way ka jiraan, baadhisteeda iyo sababaheedana waanu baadhaynaa. Waxan la yidhaa Sixirka iyo Falalowga Nebigu (NNKHA) wuu sheegay, laakiin ha rumaysanina ayaa la yidhi. Waxa jira hablo lagu odhanayo waxaannu ka soo qabanay Burco, markaa inantu ma cid bay raacday oo inay tahriibto ayey doonaysay oo waxan ayey ku marmarsootay ama rasmi bay ka tahay? Ma garanayno, in aynu hubsanno oo runta ka gaadhno ayaa loo baahan yahay oo aynaan dadkeenna bahalo-galin. Sidaa darteed, wixii jirana tallaabo ayaanu ka qaadaynaa oo ka hadhimayno, waanuna soo taabanaynaa gunta haddii Alle yidhaahdo, waxaannu leenahay ciddii ay cidi ka maqantahay ama ciddii wax laga yeelay cid ha soo sheegaan oo ha yimaadaan saldhigyada booliska, annagana waxa waajib nagu ah in aannu baadhno arrintaasi,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Ugu dambayntii, Wasiiru-dawlaha Amnigu waxa uu u soo jeediyey ciidammada amniga inay u dhego-nuglaadaan dadweynaha oo ay si degdeg ah uga hawlgalaan wax kastoo loo sheego.
“Ilama aha ciidanka booliska iyo ciidamada qalabka sida midna ku cannaananmayno hawl loo sheegay inay ka cago-jiidanayaan oo dhaliil ma laha, mar walbana waa heegan, haddiise ay meelaha qaar dhacdo waxaannu faraynaa booliska iyo taliyihiisa iyo guud ahaanba ciddii ay nabadgalyadu khusaysaa aynu foojignaano, aynu u dhego-nuglaano dadkeenna, tallaabo kasta iyo war kasta oo aynu maqalno aynu u qaadano inuu runyahay,” ayuu yidhi Wasiiru-dawle Maxamed Muuse Diiriye.