X
    Categories: Warar

Xukuumadda Muqdisho Oo Sheegtay In Biyaha Webiga Shabeelle Ethiopia Leexisay

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Xukuumadda Musdisho ee Somalia ayaa sheegtay in Biyaha Webiga Shabeelle ee nolosha bulshada Koonfurta Soomaliya ku xidhantahay ay leexisay dawlada Ethiopia, isla markaana ay xukuumad ahaan ka war hayaan in Biyaha Wabiga Shabeelle ay Ethiopia u leexisay deegaano ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomaalidu degto ee dalka Ethiopia.

Sidaana waxa xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaliya ee Muqdisho Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in gudaha Ethiopia laga leexiyay Wabiga, arrintaas oo uu sheegay in la sameeyay mar hore, balse biyo la’aanta ka jirta Wabiga aanay ku sifeyn karin xilligan inay sababteedu tahay leexinta biyahaasi.
Maareeye, ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya qorsheynayso in Ethiopia ay kala hadasho arrinta ku saabsan sidii loo qaybsan lahaa Biyaha Wabiga .
“Illaa hadda waxaa la ogyahay waxa weeye in laga leexiyay wabiga si uu dhul badan u gaadho wadanka Ethiopia gudahiisa oo dhul badan la gaadhsiiyey, laakiin ku tala galku wuu jiraa sida shuruucda caalamiga qabto in laga heshiisyo sida loo isticmaalayo biyo wadamo isaga kala gudba, muddo ayeey leexsaneyd laakiin biyuhu wey ina soo gaari jireen, Abaarta Ethiopia, ayaa inooga horreysay, waxaan dhihi karaa tani waa musiibo caalami ah, laakiin in mar walbo aan ka wada hadalno dowladda Ethiopia, sidii aynu ku isticmaali lahayn biyaha qorshaheena wuu ku jiraa” ayuu yidhi wasiir Maareeye.

Mudooyinkii u danbeeyay waxa soo baxayay qaylo dhaan lagu sheegayo in la waayay Biyaha Wabiga Shabeelle oo si aan looga baran u gudhay, waxaana arrintaasi saamayn ku yeelatay nolosha malaayiin qoys oo Soomaaliyeed, kuwaas oo u badan beeraley iyo xoola dhaqato dega Gobolada uu maro Wabiga Shabeelle, iyadoo Isticmaalka Biyaha Wabiga doorka ugu weyn ka qaataan wax soo saarka Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose, waxayna arrintan xiliga la dareemay kusoo beegantay xilli webiga laga waayay Biyo oo uu gudhay si aan looga baran, iyadoo deegaamo badan oo Soomaaliya ah laga dareemay abaar daran oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba, isla marakaana Gobolada qaar dadka ay u geeriyoonayaan Haraad iyo dalagii Beeraha oo la waayay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post