“Nama qabato tigidhkaas qaado, hudheelkaas seexo, maqaaxida wax ka cun, dibna u noqo, sidaas ayaa la noola dhaqmaa” Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Mareeyee

Araweelo News Network

maareeyeMuqdisho(ANN)Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Xayir (Maareeye), ayaa ku cawday in beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha caalamiga ah iyo Qarammada Midoobay ula dhaqmaan maamulka Muqdisho si ka meeqaam hooseeysa habka ay ula macaamilaan dawladda Somaliland iyo maamul-goboeedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wasiirka oo ka hadlay shir ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisal-wasaarihiisa, wasiirro badan iyo xubno Qarammada Midoobay ka socday oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho maalintii Isniinta, ayaa u soo jeediyey madaxda maamulkiisa in go’aan degdeg ah arrintaas laga gaadho.
“Mudane Madaxweyne, taageerada beesha caalamku siiso Soomaaliya ma aha mid qaabaysan. Waxaannu samaynnay shan sanno oo qorshaha horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed ah, laakiin mudane Madaxweyne, ma shaqaynayo. Waxa aan odhan karaa wakiillada amma dadka ka shaqeeya amma xidhiidhka la leh dawladda Soomaaliya ayaan wali beddelin dhaqankii laga soo gudbay ee iyadoo meesha aan dawlad jirin qaabkay u shaqaynayeen ma beddelin amma wakiillada sare ha ogaadeen amma mishiinka hoose ma wadaan, dakhliga caawimadana ma ogola in ay la wadaagaan dawladda,” ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

Waxa kaloo uu caddeeyey in Qarammada Midoobay ula dhaqmaan Soomaaliya si ka meeqaam hoosaysa sida loola dhaqmo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Mudane Madaxweyne, Somaliland oo aan ahayn dal ku jira UN-ka iyo Puntland labadaba way la shaqeeyaan, dawladda dhexe weli amma badhtamaha iyo koonfurta waxay ku magacaabaan lama shaqeeyaan, warkaasna sidaas ayaannu wadaagnay Ra’iisal-wasaaraha.”

Sidoo kale waxa uu dibadda u soo saaray sida loola dhaqmo madaxda dawladda Soomaaliya marka loogu yeedho shirarka, waxaannu yidhi; “Nama qabato tigidhkaas qaado, hudheelkaas seexo, maqaaxidaas wax ka cun, dibna u noqo, sidaas ayaa naloola dhaqmaa, waxaanay nagaga maqan tahay talada iyo go’aan-qaadashadu Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha. Mudane Madaxweyne, in wax laga beddelo ayaa la doonayaa. Nidaamkeenna xisaabaadka waxa ammaanay Baanka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waanaynu ka nidaam fiicannahay dawlado nabad ah siday ahaan jireen. Waxa aan doonaynaa in adigoo golaha wasiirradaada iyo Ra’iisal-wasaaraha la tashanaya in aad awoodaada ku darto in wax laga qabto hay’adaha la shaqeeya Soomaaliya.”

Geesta kale, warbaahinta Dalsoor ayaa baahiyey dukumantiyo muujinaya qaabka dalalka Midowga Yurub ula dhaqmaan muwaaddiniinta Soomaaliya, waxaanay EU-da oo xarun laga siiyey magaalada Muqdisho dhowaan soo saareen go’aan ay ku diidayaan in Soomaalida xarumahooda laga shaqaalaysiiyo.

“Qandaraasluhu waa in aannu shaqaalaysiin muwaaddiniinta Soomaalida amma qof isirkiisu yahay Soomaali adeeg kama bixin karo goobtaas marka dhismaheedu dhammaado,” ayaa lagu sheegay qodob ka mid ah warqadaha Midowga Yurub ee la soo bandhigay.
Heshiiskan qandaraasku waxa uu muujinayaa in Midowga Yurub aannu ku kalsoonayn Soomaaliya, isla markaana aannu doonayn in ay soo dhex galaan dadka Soomaalida ah xarumahooda Muqdisho.