Araweelo News Network

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)


Qahira(ANN)-Xukuumadda Dalka Masar, ayaa meel-marisay Sharci Saxaafadda loogu talagalay, isla markaana lagu Xakamaynayo awooda warbaahinta.

Sharcigaa, ayaa dhigaya in Madaxweynaha Masar Jeneral Abdel Fattah al-Sisi, awood u yeelan doona inuu soo xusho guddoomiyaha iyo xubnaha golaha cusub ee warbaahinta, kuwaasoo lagu aasaasayo sharci cusub oo dalkaas laga hirgeliyey.
Sharcigan oo la meel-mariyey, isla markaana Madaxweynuhu saxeexay Isniintii toddobaadkan, ayaa dhigaya in la sameeyo gole iyo hay’ad awood u leh in ay saxaafadda/suxufiga ganaxaan amma ka joojiyaan qoraal amma muuqaal uu baahin lahaa, sidoo kalena kala noqon kara, isla markaana siinaya liisanka hay’adaha warbaahineed ee ajnebiga ah.
Sharcigan Barlamaanku saxeexay, Madaxweynuhuna qallinka ku duugay dhaqan-galkiisa waxa uu samaynayaa Gole Sare (Supreme Council) oo maamulaya warbaahinta, kaasoo guddoomiyahiisa iyo xubnaha kaleba uu Madaxweynuhu magacaabayo, kana kala keenayo hay’addo kala duwan oo ay ku jiraan garsoorka iyo barlamaanka.
Ururka Xuquuqal-insaanka ee xaruntiisu tahay magaalada New York ee CPJ (Committee to Protect Journalists), ayaa si joogto ah dawladda Masar ugu eedeeya in ay ku xadgudubto xuquuqda xorriyatul-qawlka, dunidana kaga jiraan kaalinta labaad dalalka ugu xadhigga badan suxufiyiinta 2015kii
Golaha cusub ee Masar samaysatay waxa uu awood u leeyahay inuu dacweeyo xarumaha warbaahinta in ay ku xadgudbeen sharciga, samayn karaanna ciqaab iyo ganaax ay la socoto in ay liisanka kala noqon karaan amma ay ka hakin karaan warbaahinta iyo suxufiga ay dacwadda ku helaan.
Madaxa Ururka Suxufiyiinta Masar Mr. Tehia Qalash, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in sharcigan iyo golahan ay inta badan awoodoodu tahay mid maamul, khatarna aanay ku ahayn xorriyadda saxaafadda. Waxa kale oo uu tibaaxay in Barlamaanku wali ka doodayaan xeerar kale oo saxaafaddu leedahay.
Xeerka labaad ee uu masuulkan sheegayo ayaa ah mid ka hadlaya xukumidad suxufiyiinta iyo ilaalinta xorriyatul-qawlka, ilaalinta ilo-wareedyada xaasaasiga ah (confidentiality of sourcing) iyo xidhiidhka ka dhexeeya saxaafadda iyo ammaanka qaranka, sharci-dejinta iyo waliba xubnaha ururka suxufiyiinta.