X

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Taageero U Doonatay Maxaabiis Xabsiyada Ugu Jira Iyo Mashruuca Weji Ku Macaashka Oo Xabsiga Mandheera Galay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa taageero u doonatay maxaabiis Xabsiyada ugu xidhan oo lagaga dhawaajiyay inay amaan ku hirgisaan Xukuumadda. kadib markii uu saaka kormeer ku tegey xabsiga weyn ee Mandheera Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland.

Muuqaal la xidhiidha warkaa oo wakaalada wararka ee SOLNA, warbaahinta u kala dirtay, ayaa laga arkayay qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga ugu weyn dalka ee Mandheera oo qiyaastii 90km dhinaca bari ka xiga Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, iyadoo Maxaabiista laga soo duubay dhawaaqyo ay ku amaanayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

arrintan oo u muuqata mid xukuumaddu markii ay taageero ka weyday shacbiga ay dan mooday in maxaabiista ugu jira xabsiyada ee aan haysan xoriyada aasaasiga ah looga faa’idaysto siyaasada weji ku macaashka ee ay kala dhaxleen Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxayna arrintan oo ugub ku ah Somaliland muujinaysaa sida aanay Xukuumaddu shacbiga uga haysan kalsooni ay si dhab ah ugu taageeran yihiin guulaha inta baddan ay sheegato ee wax qabadka, isla markaana hab dhaqanka noocan ah ee maxaabiista aan haysan xoriyada loo adeegsaday inay taageero u muujiyaan xukuumadda, ayaa ah mid ka hor imanaya qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha oo Somaliland ku cadaysay dastuurkeeda inay u hoogaaansan tahay.

halkan ka daawo muuqaalkaa Maxaabiista xukuumaddu taageerada iyo amaanta wax qabadkeeda ka yeedhsiisay.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post