X
    Categories: Warar

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Lix Sanadood Kadib Ku Baraarugtay Baahida Loo Qabo Dejinta Qorshe Siyaasadeed Waxbarashadda Fowdada Ee Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku baraarugtay baahida loo qabo dejinta qorshe siyaasadeed oo ku wajaahan waxbarashadda fowdada ah ee dalka iyo diyaarinta manhaj waxbarasho oo ku qotoma siyaasada qranka.

Wasiirka Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland , Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xilka, ayaa dar-dar cusub la yimi, wuxuuna sheegay in hadda gacanta lagu hayo diyaarinta siyaasadda waxbarashada iyo man-hajka qaranka oo mustaqbalka dhow lagu shaqayn doono haddii Ilaahay yidhaa.

Wasiir Cabdillaahi-dheere, wuxuu sidaa ka sheegay hadal ka jeediyey kulan masuuliyiinta Wasaaraddiisu la yeesheen mulkiilayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay shalay, waxa uu caddeeyey in lagu jiro sidii la isula meel dhigi lahaa kulamo lagu gorfeeyo siyaasad iyo manhaj waxbarasho oo qaranka Somaliland leeyahay.

“Marka u horraysa dugsiyada gaarka ah amma ka dawliga ah ha ahaadee kuligeen waxa aynnu u adeegaynaa ummaddeenna, wasaaradduna waxbarashada oo dhan bay ka masuul tahay, dugsi sare amma hoose amma gaar ah amma dawladeed ha noqdeen waxbarasho oo dhan wasaaradda ayey u sugnaatay.

Waxa la abuuri doonaa siyaasadda waxbarashada, man-hajka waxbarashada oo gacanta lagu hayaa. Waxa aynu odhan doonnaa maxaa man-hajkeenna u dan ah, maxaynu carruurteenna baraynaa? Markaa Carabi ku bar amma Ingiriisi amma Soomaali ku bar,” ayuu yidhi Wasiir Habbene.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Abiib Axmed Cali oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa xusay in dugiyada gaarka loo leeyahay buuxiyeen kaalin waxbarasho oo qaranka ku bannaanaan lahayd, waxaannu yidhi; “Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee qaranka. Waxa aan idiin sheegayaa in aad ka mid tihiin Wasaaradda Waxbarashada, qaybo badana aad naga daboosheen.”

Wasiirul-dawlaha Waxbarashada Md. Axmed Nuur Faahiye, ayaa isna sheegay in Wasaarad ahaan ay jecel yihiin dugsiyada tayada leh oo aanay dugsiyada ugu kala eexan mid dawli ah iyo mid gaar loo leeyahay.

Sidoo kale, qaar ka mid ah maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa sheegay in ay si dhaw ula shaqaynayaan Wasaaradda Waxbarashadda, kana halwgalayaan sidii tacliinta dalka kor loogu qaadi lahaa si loo dhiso jiil iyo ubad aqoon ahaan dhisan, dalka iyo dadkana faa’iido u yeesha mustaqbalka.

Dhinaca kale, waxay arrintan muujinay inay Lix sanadood kadib ku baraarugtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo arrintan oo ah mid baahi weyn loo qabo, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu hoggaaminayay xisbiga KULMIYE, ka dhawaajin jiray inay wax ka qabanayaan dejinta qorshe siyaasadeed ku waajahan waxbarashadda dalka iyo sidii manhaj midaysan oo qaran loo samayn lahaa, balse waxay balanqaadyadaasi noqdeen kuwo u muuqda in la xusuustay Lix sanadood kadib markii uu dhamaaday xiligii sharciga ahaa ee la doortay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku jirta waqtigan xiligii muda kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen sanadkii hore.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post