X
    Categories: Warar

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dhinacyo kale Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Xaalada Deegaanka Ceel-Afweyn

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Ceel-afweyn inay joojiyaan gacan ka hadalka oo ay is xakameeyaan. Kaddib shaqaaqo gacan ka hadal oo mar labaad kasoo cusboonaatay deegaankaa, taas oo sababtay dhimashada ku dhowaad dhawr iyo toban qof.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu baaqiisa ku yidhi, “Nabadgelyada, is xaqdhawrka, wada noolaanshaha iyo degenaanshuhu waa tilmaamaha tolmoon ee lagu tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aynu ku caanno maalnay muddo ka badan rubuc qarni. Nabadgelyadu waa aas-aaska jiritaanka qarannimadeena waana waajib inaynu dhammaanteenba ka wada shaqayno adkaynta nabada iyo xasiloonida.

Sidaa darteed waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dhiig, dhalasho iyo dhaqanba wadaaga inay joojiyaan colaadda, dilka iyo dhiiga macno darrada u daadanaya. Dalkeena kama go’do maanta in dad inagaga dhinto dagaal aan loo baahnayn, wixii is maandhaaf ah ee jira ha lagu dhameeyo tubta aynu dhaqanka iyo caadada u lahayn ee ahaa wada xaajood, is afgarad iyo talo walaalnimo oo la isu tanaasulo.

Dagaal waxa ku dhinta wiil, walaal, hooyo, habaryar, eedo, seedi, soddog. soddoh iyo ehel ka kaleba ee dagaal dad kuma dhasho. Walaalayaal ha la joojiyo dagaalka iyo dhiiga aan inaga go’in ee dhexdeena ku daadanaya.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.

Ugu dambayna waxan ku celinayaa baaqaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo, waxanan si toosa ula hadlaya madaxdhaqameedka deegaamadaasi, waxgaradka iyo waayeelkaba inay ku dedaalaan sidii loo xakamayn lahaa colaadaasi, intaanay si fidin”. Ayaa lagu yidhi baaqa kasoo baxay madaxtooyadda Somaliland.

Sidoo kale Jaaliya Somaliland ee dalka Sweden ayaa baaq nabadeed u diray Labada Beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degaanada hoos yimaada Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxayna ugu baaqeen inay labada dhinac is xakameeyaan oo ay xaalada dejiyaan. Sidaana waxa la sheegay qoraal ay soo saareen hoggaanka Jahliyada Somaliland Swedan.

“waxa aan ka codsanaynaa in ay Alle ka baqaan oo caqligu shaqeeyo kana shaqeeyaan midnimada iyo walaaltinimada labadaas beelood halkii ay ku foognaan lahaayeen kala irdhaynta iyo dab dhex dhigida beelahaas walaalaha ah ee aan sina ku kala tegayn.

Xukuumada Somaliland waa in ay gurmad degdeg ah u dirtaa halkaas oo lagu soo celiyaa nabadii iyo kala danbayntii, waana in baadhitaan madaxbanaan loo diraa taas oo cida ay ku cadaato in uu lug ku leeyahay haddii uu yahay madaxdhaqameed, siyaasi, baayac mushtar , dhalinyaro, culimo iyowaayeelba aanay cidna uga habran oo ay cadaalada hor geysaa si looga abaal mariyo denbiga uu galay.” Ayaa lagu yidhi baaqa kasoo baxay Jahliyada Somaliland Swedan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post