X
    Categories: Warar

Xukuumadda Kenya Oo Ka Hadashay Hoggaamiyaha Mucaardka Ee Loo Dhaariyay Madaxweynaha

Araweelo News Network

Kenyan opposition leader Raila Odinga waves at supporters as he leaves the Supreme Court in Nairobi on September 1, 2017. (Photo file by AFP)

Nairobi(ANN)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta NRM ee mucaaradka Kenya u yahay mid budhcad ah.

Dhaqdhaqaaqa NRM ayaa qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee NASA, waxaana tallaabada dowladda Kenya ay timi kadib markii mucaaradka Kenya ay shalay iyaguna xilka madaxtinimada ee Kenya u dhaariyeen hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

Raila Odinga, ayaa kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta xorriyadda ee Uhuru Park ee magaalada Nairobi lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaana uu hoggaamin doono Kenya.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Hore dalka Kenya waxaa xilka madaxtinimada loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta oo guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Kenya ay shegeen inuu ku guuleystay madaxweynaha xilka haya.

Odinga oo ku andacooday inuu ku guuleystay doorashadii bishii Augst 2017,  ayay guddiga doorashada ee Kenya waxaa ay hore u shegeen inuu ku guuldareystay doorashadii kuceliska ee dhacday bishii July 2017 ee sannadkii hore, waxaana dowladda Kenya oo ka hortageysa xaflada dhaarinta Raila ay damisay qaar kamid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay oo si toos ah u tabinayay xafalada dhaarinta, iyadoo  tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay khiyaamo qaran.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post