X
    Categories: Warar

Xukuumadda Kenya Oo Hakisay xidhidda Xeryaha Qoxootiga Soomaalida Ee Dhadhaab

Araweelo News Network

Nairobi(ANN) Xukuumadda Kenya ayaa hakisay dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bilood ah si loo helo dhaqaalle iyo fursad wada tashi dheeraad ah lagu yeesho.
Wasiirka Kenya u qaabilsan arrimaha gudaha Joseph Nkaissery wuxuu intaa ku daray in dib u celinta tiro ku dhow 280,000 oo ah qaxooti ku jira xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn – Dhadhaab – ay sii socon doonto.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen xukuumadda inay qaxootiga ku khasbayso inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, walow xaaladaha dalkooda ka jira ay yihiin kuwo adag.

Xukuumadda Kenya waxay hore ugu dhawaaqday inay xidhayso xeryaha Dhadhaab marka la gaadho dhamaadka November.

Wasiirka Arrimaha gudaha wuxuu beeniyey eedeymo sheegaya in xukuumaddu ay ku khasbayso qaxootiga inay dib ugu laabataan dalkooda, wuxuuna ku tilmaamay eedeymahaas oo ka soo baxay Hay’addaha xuquuqda aadanaha inay yihiin ‘dacaayad siyaasadeed’.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post