Hargeysa (ANN)- Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa jawaab cad ka bixiyey dhaliilo uu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro dusha ka saaray murrashaxa Madaxweynaha xisbigooda Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu dhaliilahaas ku tilmaamay gef aan munaasib ahayn oo haba yaraatee aanay waxba ka jirin.
Afhayeenka KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa, waxa uu dhaliilaha ka soo yeedhay Guddoomiyaha WADDANI ku sifeeyey kuwa aan laga filayn oo gef ku ah madaxda iyo shacabka reer Somaliland, isla markaana hoos loogu dhigayo milgaha iyo karaamada ciidammada qaranku leeyahay, isaga oo dhinaca kalena xusay in dedaalka iyo soo jiidashada xisbul-xaakimku ka kasbaday bulshadu naxdin iyo anfariir ku ridday axsaabta mucaaridka.
Mr. Gaafaadhi waxa uu wax laga xumaado ku macneeyey in Guddoomiye Cirro uu bulshada ay codka ka doonayaan ku sheego qaar lacago lagu kala iibsado, waxaanu xusay in aanay dhaqannada noocaas ah ku habboonayn cidda gacanta ku haysa ee martida looga yahay inay doorato hoggaamiyihii dalkan xukumi lahaa.
“Xisbiga KULMIYE waxa soo galay oo beryahan dambe aad ugu soo qulqulayey taageerayaal fara badan oo gobollada dalka oo dhan ah oo ay ugu dambeeyeen reer Awdal, waxa kaloo ku soo biiray siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ay uu ugu dambeeyey Maxamed Cali Bile, Jamaal Cali Xuseen, Cali-guray iyo kuwo kale, waxa kaloo muuqata in xisbiga KULMIYE iska laab-xaadhay khilaafkii shirkiisii golaha dhexe oo rag badan oo xisbiga ka tirsani soo noqdeen oo uu ka mid yahay Cabdicasiis Samaale. Guulahaasi waxa maanta waxa muuqata in xisbiga KULMIYE uu laydhkiisu si weyn uga dhex muuqdo xisbiyada kale ee mucaaridka ah ee la tartamaya, taasna waxaad mooddaa inay calool-xumo iyo rajo-xumo ku beertay xisbiga WADDANI oo u muuqda inay ka rajo xun yihiin inay soo dhawaadaan doorashada soo socota, waxaanay taasi geyeysiisay in shacabkii taageeradooda sida hagar la’aanta iyo kalsoonida ah ugu muujiyey KULMIYE la yidhaahdo sidii tamaandho xaraash ah oo suuq taalla waa dad la iibsaday, kelmadahaas aad iyo aad baanu uga xunnahay, waana kelmado aan munaasib ku ahayn shacbiga codka laga doonayo,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo Afhayeenka KULMIYE ku eedeeyey xisbiga WADDANI inay jabiyeen heshiis hore labada xisbi u wada dhigteen, waxaannu yidhi, “Wax badan baanu isku daynay inaanu xisbiga WADDANI ku heshiinno in tartan aan turxaan lahayn oo asluub leh aannu wada galno, sidaasna aannu ku samaynno guddi anshax oo labada dhinac ka socda oo ay labada murrashax guddoominayeen, laakiin waxa muuqata inaanay marnaba tixgelin oo ay maalin walba saxaafadda la taagan yihiin waxyaabo annaga iyo shacabka midna aan laa’iq ku ahayn ama aan u cuntamin.”
Waxa uu uga digay Guddoomiyaha WADDANI hadallada deel-qaafka ah ee uu kula kacayo ciidammada qarankani ku taagan yahay, isagoo xasuusiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay ciidammadu qabtaan, “Hadalkii ugu dambeeyey uu guddoomiyaha WADDANI uu yidhi Muuse waa askari, heesta 12-ka sano uu mar walba isku taagayey ee heesta qaranka ah ee astaanta beydka ah (geesiyaashii naftooda u sadqeeyey gobonnimada Somaliland). Waxa dhiigga u huray gobonnimada Somaliland waa askar, waxa maalin walba ilaaliya ee isaga la socdaa waa askar, waxa xafiiskiisa ku ilaaliyaa waa askar, waxa qaranka ilaaliyaa waa askar, markaa haddii murrashax Cirro leeyahay dalka uma qalmo inuu hoggaamiyo askarigu, wixii dad ah ee ka soo yaaca Muuse isagu weel ha u samaysto oo ha urursado.”
Geesta kale, Md. Xasan Gaafaadhi waxa uu ka hadlay doorashooyinka dalka ku soo socda iyo waliba xaaladda abareed ee lagu jiro, waxaannu xusay in labada hawloodba la isku wadi doono oo aan midna laga seexan doonin, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuna diyaar u yihiin inay doorashada waqtigeeda ku qabtaan.
“Gurmadka abaaraha iyo doorashaduba waa laba xil qaran oo ummadda u yaal, Madaxweynaha Somaliland-na shirkii uu furay ee garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE waxa uu ku caddeeyey in abaartana gurmadkeeda la gelayo, doorashaduna waqtigeedii dhacayso, labada hawloodna laba hawlood oo Jamhuuriyadda Somaliland u yaal, waxaanse leeyahay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddaba waxa ka go’an doorasho, muddadiina saddex bilood baa ka hadhay, saaxiibkay Cabdiraxmaan Cirro-na inuu shaqada Baarlamaanka u ga’o iyo inuu u soo banbaxo shaqada ololaha isaga ayey u taallaa, xisbiga KULMIYE-na waa u diyaar doorasho,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Afhayeenka Xisbiga KULMIYE.