X
    Categories: Warar

Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo Isla Qaatay Qiime Go’an Lagu Iibinayo Shidaalka Dalka

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qiime cusub u goysay iibka shidaalka oo maalmihii u dambeeyey kor uga kacay suuqyada dalka.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo ganacsatada soo dejiya shidaalka oo kulan ballaadhan ku yeeshay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee magaalada Hargeysa, ayaa isla qaatay qiime go’an oo qoondeeyey in kaalmuhu iibin doonaan shidaalka.
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Ganacsiga iyo ganacsatada gacanta ku haya haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ayaa ka wadahadlay xaaladda qiimo-korodhka ku yimi shidaalka dalka lagu iibiyo.

Kulanka oo saacado door ah qaatay, isla markaana saxaafadda loo diiday, ayaa markii uu dhammaaday waxa warbaahinta uga warramay qodobbadda layskula qaatay wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda.

“Waxaannu la kulannay ganacsatada shidaalka dalka keena ee jumladda ku iibiya oo aannu isla eegnay arrimaha labadayadaba khuseeya, maadaama aannu xukuumad ahaan matelno bulshada oo iyaga macaamiil u ah, sidaas awgeed mar haddii uu kordhay qiimihii shidaalku ayaannu wax badan isla eegnay oo macquul ah, iyadoo xukuumad ahaan aannu markasta ka shaqaynayno danta bulshada.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Horumarinta Maaliyada Maxamed Daahir Axmed.

Sidoo kale, Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada waxyaabaha kulankaas ka soo baxday, waxaannu yidhi; “Saaka [shalay] markii aannu halkan isugu nimid ganacsatada annagoo eegayna danta dadweynaha, si fiican ayaannu u wada hadalnay, waxana meesha ku jiray laba shay oo kala ah kordhinta ay kordhiyeen dadka shidaalka keena iyo kordhin kale oo ay kordhiyeen kaalmaha dadka ka sii iibiya.”

Waxa uu intaa ku sii ladhay, “Dadka shidaalka dibada ka keena suuqa ayaa ku keenay inay kordhiyaan, laakiinse dadka kaalmaha ku iibiya maanu arag wax darruuri ah inay kordhiyaan, korodhsiimadoodiina waxaanu nidhi wax ka tanaasula, waxaanuna meesha ka saaraynaa korodhsiimada kaalmaha ee cusub.”

“Maanta laga bilaabo naaftada waxa lagu iibin karaa 7,200slsh, baatroolkana 8,200slsh halkii littir oo korna uma dhaafi karto, iyadoo maalmahan lagu iibinayey naaftada 7,500 SL/SH, baatroolkana 8,500 littirkiiba,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

“Waxay kordhiyeen, wax ka yar inta uu ka kordhay adduunka,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay wasiirka ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey heerka qiime korodhka ay sameeyeen shirkadaha shidaalka soo dejiya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post