X
    Categories: Warar

Xukuumadda Israel Oo Xildhibaano Maraykan Ah U Diiday Inay Booqdaan Dhulka Falstiin

Tell Vive (ANN) –Xukuumada Dalka Israel, ayaa go’aansatay in aanay ogolaan inay booqdaan Journalism dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qudus labada hablood ee ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ee Ilhaan Omar iyo Rashida Tlaib oo ka tisran Xisbiga dimuqraadiga.

Sida lagu sheeciyay Wargeyska timesofisrael, Wasiirka Arimaha gudaha Israel, Aryeh Deri ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kadib markii uu la tashaday Ra’isal Wasaarihihiisa Benjamin Netanyahu iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan Xukuumadda Israel uu go’aansaday inaan loo ogolaan labada Xildhibaan ee Muslimka ah ee Ilhaan Omar iyo Rashida Tlaib inay dhulkaasi soo galaan sababtoo ah, ayuu yidhi, “Talaabooyinka ka dhanka ah Israel”.

 Xukuumadda Isael, waxay go’aanka soo saartay, kadib Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu ku qoray bartiisa Twitterka  oo uu ku y “ in loo ogolaado iyaga inay galaan Qaza, waxay muujinay Inay diciifnimo weyn ay tahay” ayuu yidhi, Trump oo si weyn dagaal siyaasadeed uga dhexeeyo labadan dumarka ah ee Muslimka ah.

Dhinaca kale, waxa go’aankan dawladda Israel maanta oo khamiis ah si dhakhso ah u cambaareeyay,  MIFTAH, oo ah koox Falastiiniyiin ah oo horre u  qorsheeyey inay martigaliyaan Xildhibaanada dimuqraadiga ah oo qorsheeyey inay booqdaan todobaadkan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo Qudus, waxayna iyagoo kooxdaa Falastiin ka hadlay, arrintaa tidhi, “Waxay dhaawac ku tahay dadka Maraykanka iyo Wakiiladooda, waana Weerar ka dhan ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta si ay u gaadhaan go’aan qaadasho iyo inay dad matala ku yeeshaan daafaha aduunka.” ayaa lagu canbaaraynta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post