X
    Categories: Warar

Xukuumadda Iran Oo Shuruud Ku Xidhay Fariin Wada Hadal Oo Uga Timi Sucuudiga

Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan

Tehran (ANN)-Afhayeenka xukuumadda Iiraan, Ali Rabei, ayaa Jimcihi xaqiijiyay in Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan uu ka wargeliyay warqad xanbaarsan Fariin nabadeed iyo wada hadal dhexmara labada dal ee Iran iyo Sucuudiga.

Ali Rabei


Dalabka xanbaarsan fariinta wada hadalka, ayaa ka yimi dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, wuxuuna codsaday wadahadal Boqortooyadu la yeelato Iran.


Af hayeenka Iran ayaa sheegay in wadankiisa “aanu u arkin in baahi loo qabo wada hadal uu la yeesho Sacuudiga isagoo matalaya reer Yemen, ama marka ay ka maqan yihiin Yemen”
Arrintan ayaa kusoo beegantay maalin ka hor booqashada Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ee Tehran, oo loo qorsheeyay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, waxaana sida saxaafadu baahisay la rumaysanyahay in booqashadiisa Tehran iyo kulanka u qorshaysan inuu dhexmaro Imran Khan iyo Hassan Rouhani, la xidhiidho sidii uu dhex dhexaadin uga samayn lahaa Iran iyo Saudi Arabia.


Wakaaladda wararka ee Iiraan oo soo xigatay wargayska Pakistan, ee Dawn, ayaa sheegaya in Khan uu wadahadalo rasmi ah la yeelan doono Axada Rouhani, ka dibna uu u tagi doono Riyadh si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiinta Sacuudiga.
ilo wareedyo laga soo xigtay dublamaasiyiin u dhashay Pakistan ayaa sheegaya in booqashada Khan ee Tehraan ay ujeeddadeedu tahay in lagu furo dariiq lagu fududeynayo xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Saudi Arabia, oo sii hurisay khilaafyo hore u jiray iyo dagaalada ka socday Yemen sanado badan.


Kulankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay Ne York, dhammaadkii Sebtember, 2019, wuxuu Raiisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ku xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo dhaxal-sugaha Sucuudiga uu ka codsaday inuu dhexdhexaadiyo Iran, si loo xalliyo xiisadda ka dhexeysa labada dal.


Dhinaca kale, Amiir Mousavi, oo Iran ah Diblumaasi hore , ayaa u sheegay Al-Jazeera in marka loo eego dedaalka iyo tilmaamaha, farriinta Khan uu gudbiyay ay tahay “soo jeedin cad oo ka timi Sacuudiga, gaar ahaan Bin Salmaan, si wax looga qabto xidhiidhka laba geesoodka ah iyo xaaladaha gobolka, laguna soo afjaro dagaalka ka socda. Yaman.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post