X

Xukuumadda Federaalka Oo Ka Jawaabtay Baaqyada Kasoo Baxay Ra’iisal Wasaaraha Iyo Maamul Gobolleedyada Ee Lagu Daadefeeyay Mudda Kordhinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha dawladda Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Eng: Cabdi Maxamed Sabriye, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Bayaanka Maamul Gobolleedyada #Hirashabeele iyo #Galmudug Iyo Asbaabaha ay u cuskadeen

 

#Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay go’aanka ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble kaga horyimi go;aankii mudda kordhinta loo sameeyay xukuumadda uu ra’iisal wasaaraha ka yahay.

Siodoo kale, waxay xukuumaddu ka hadashay maamul gobolleedyada Hirshabeele iyo Galmudug oo iyagu hore u taageeray mudda kordhinta, balse ka noqday taageerada ay hore u muujiyeen, iyagoo qayb ka noqday mawqifka labada maamul gobolleed Jubaland iyo Puntland iyo maamulka Koonfur galbeed oo ku biiray diidamada mudda kordhinta goor danbe.

Haseyeeshee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda khilaafku hadheeyay ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka hadashay mawqifkeeda arrimahaa.

Qoraalka jawaabta wasaaradda  isagoo daba socda hadalka ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo go;aanka mudda kordhinta gollaha wakiilladu u sameeyay xukuumaddiisa dhowaan ee abuuray qalaasaha iyo fawadda ku keliyeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale dhawaaqyada maamul gobolleedyada federaalka ee Soomaaliya.

 

Qoraal kasoo baxay caawa Wasaaradda Arrimaha Guddaha Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Gobolleedyada in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka, iyadoo saldhig looga dhigayo go’aamada hishiiskii 17 Sept 2020.

Sidoo kale, Wasaaradda, ayaa ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, “Iyadoo laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaadhay Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Dhinaca kale, bayaanka ay wadajirka usoo saareem maamul gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeele ee ay kaga soo horjeesteen mudda kordhinta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo dhmaystiran halkan ka akhri.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post