X
    Categories: Warar

Xukuumadda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Ka Gubbatay Canbaarayn Kaga Timi Beesha Caalamka

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda  Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka gubbatay dhaleecayn kaga timi beesha caalamka oo ka dhalatay qaabkii xilka lagaga qaaday ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Xilka qaadista ayaa timi kaddib markii todobaadkan Baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii Khayre, sidaana uu ku aqbalay Madaxweyne Farmaajo oo si ku meelgaadh ah u magcaabay Mahdi Guuleed (Khadar), oo ahaa ku xigeenka Khayre inuu sii hayo xilka ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Baarlamaanka, ayaa la kulmay dhaleecayn kaga timi Maraykanka, Midawga Yurub iyo dalalka kale ee taageera Soomaaliya, waxay tallaabada xilka lagaga qaaday Khayre ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo aan loo baahnayn xilligan, isla markaana sii xoojin karta khilaafka siyaasadeed ee hadheeyay Soomaaliya ee la xidhiidha arrimaha doorashada ee muranka ugu weyni ka taagan yahay.

 

Hase yeeshee Shirka gollaha wasiirada oo maanta ka dhacay Villa Soomaaliya oo uu shir gudoominayay ra’iisal wasaaraha, sii haya xilka, isla markaana ah ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, ayaa lagaga hadlay hadaladii kasoo baxay Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Jawaabta golaha wasiiradda, ayaa lagu yidhi, “Gollaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay dowladda federaalka, haddana dhinaca kale waxay gollaha wasiiraddu safiirada iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’addaha dastuuriga ah ee dowladda”, sidaa waxa yidhi,  wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay dhaleecaynta kaga timi beesha caalamka.

Maareeye, ayaa usoo jeediyay dublamaasiyiinta dhaleecaynay in ay wixii tala ah ee ay hayaan ay tahay inay u maraan wado diblomaasiyadeed, isla markaan dhawraan dastuurka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Dhinaca kale, Mahdi Guuleed oo ah sii hayaha xilka ra’iisal wasaaraha, isla markaana ah ra’iisal wasaare ku xigeen,  ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray qoraal koobban oo uu kaga dareen celinayo canbaaraynta ay waajahday xukuumadda ay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo isugu soo hadheen hoggaaminteeda, wuuxuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “gollaha wasiiradda waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in saaxiibadeen beesha caalamka ay ixtiraamaan madaxbanaanida dalkeena iyo dastuurkeena”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post