X
    Categories: Warar

Xukuumadda Ethiopia Oo Xabsiga Kasoo Deysay Siyaasi Mucaarad Ku Ahaa Xukuumadda Oo Gacan Saar La Lahaa Dalka Eretrea

Araweelo News Network

Andargachew Tsige

Addis Ababa, Ethipia(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay Andargachew Tsige, oo ahaa xog-hayaha guud ee Ururka Ethiopian opposition movement, Patriotic ee  loo yaqaan Ginbot 7.

Andargachew Tsige, ayaa lagu xukumay dil Sanadkii 2009-kii, balse wuxuu Dowladda u gacan galay markii ay sirdoonka Ethiopia ka qabteen Garoonka Diyaaradaha Dalka Yemen June 2014-kii, isagoo  xiligaa  kusii jeeday Dalka Eretrea.

Ginbot 7, oo ka mid ah dhowr Urur oo ay Dowladda Ethiopia ku dartay Liiska argagixisada ayaa lagu eedeeyaa inuu Gacan saar dhow la leeyahay Dowladda Eretrea oo ay cadaawad xumi ka dhaxayso xukuumadda Addis ababa.

Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda Qoomiyadda Tigreega ayaa haysta dhalashada Dalka Ingiriiska, waxaana  sii deyntiisa dedaalla badan ku bixisay Dowladda Britain, wuxuuna sheegay Ra’iisal  wasaare Abiy Axmed in aanay wax faa’iido ah u lahayn xadhiga siyaasiga  Andargachew Tsige, oo haysta Jinsiyada Dalka UK oo Gacan saar la leh Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan soo deysay xubno isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo suxufiyiin, kuwaas oo hore xukuumaddu ugu xidhay siyaabo kala duwan, taasoo qayb ka ah ballan qaadyadii Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ee ahaa inuu dalka ku hoggaaminayo siyaasad furfuran.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post