Araweelo News Network
Addis Ababa, Ethipia(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay Andargachew Tsige, oo ahaa xog-hayaha guud ee Ururka Ethiopian opposition movement, Patriotic ee loo yaqaan Ginbot 7.
Andargachew Tsige, ayaa lagu xukumay dil Sanadkii 2009-kii, balse wuxuu Dowladda u gacan galay markii ay sirdoonka Ethiopia ka qabteen Garoonka Diyaaradaha Dalka Yemen June 2014-kii, isagoo xiligaa kusii jeeday Dalka Eretrea.
Ginbot 7, oo ka mid ah dhowr Urur oo ay Dowladda Ethiopia ku dartay Liiska argagixisada ayaa lagu eedeeyaa inuu Gacan saar dhow la leeyahay Dowladda Eretrea oo ay cadaawad xumi ka dhaxayso xukuumadda Addis ababa.
Ninkan oo asal ahaan kasoo jeeda Qoomiyadda Tigreega ayaa haysta dhalashada Dalka Ingiriiska, waxaana sii deyntiisa dedaalla badan ku bixisay Dowladda Britain, wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed in aanay wax faa’iido ah u lahayn xadhiga siyaasiga Andargachew Tsige, oo haysta Jinsiyada Dalka UK oo Gacan saar la leh Ethiopia.
Dowladda Ethiopia ayaa dhawaan soo deysay xubno isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo suxufiyiin, kuwaas oo hore xukuumaddu ugu xidhay siyaabo kala duwan, taasoo qayb ka ah ballan qaadyadii Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ee ahaa inuu dalka ku hoggaaminayo siyaasad furfuran.