X

Xukuumadda Ethiopia Oo Malaayiin Bir Ku Raadinay Hoggaamiyayaashii TPLF

Araweelo News Network

 

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa malaayiin bir oo lacagteeda ah ku raadinay hoggaamiyayaasha jabhada TPLF ee kula jira dagaalka ka socda woqooyiga Ethiopia ee gobolka Tigray.

Bayaan kasoo baxay xukuumadda dalka Ethiopia ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Abiy Axmed ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda in malaayiin Bir oo lacagta dalkeeda ah loo siinayo abaalmarin cidda soo sheegta ama macluumaad ka keenta saraakiishii sare ee hoggaaminayay TPLF.

Jimcihii Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda Ethiopia shaacisay in ay u fidinayso10 milyan oo bir oo u dhiganta ($ 260,000) oo abaalmarin ah ciddii soo sheegta macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha baxsadka ah ee xoogagga kacdoonka ka wada gobolka woqooyi ee Tigray.

AKHRI: Wasiirkii Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudada Dheer Iyo Saraakiil Kale Oo La Dilay

Xukuumadda dalka Ethiopia ayaa sheegtay shalay in dishay saddex sarkaal oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee jabhada qowmiyada Tigray ee TPLF, kuwaas oo sida ay sheegtay lagu dilay hawlgal ciidamadeedu ka fuliyeen woqooyiga gobolka Tigray ee dagaaladu ka socdeen tan iyo November kaddib markii ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu gulufka ciidan ku kiciyay maamulkii iyo ciidamadii gobolka Tigray.

AKHRI: Ethiopia Oo Sheegtay In Saraakiil TPLF ah La Dilay Kuwo Kalena Lasoo Qabtay

War qoraal ah oo kasoo baxay xukuumadda dalka Ethiopia, ayaa lagu shaaciyay 13 Jan 2021, in saddexda sarkaal ee la dilay uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee Seyoum Mesfin oo muddo labaaatan sannadood ku dhow ahaa wasiirka Arrimaha dibedda dalka Ethiopia ee xukuumaddii Federaalka ee Meles Zenawi, sidoo kale ka mid ahaa xubnihii ay Meles wada aasaaseen jabhada TPLF, Seyoum Mesfin, ayaa markii u danbaysay ahaa Ambassador dalka China u jooga Ethiopia.

Saraakiisha xukuumadda Ethiopia sheegtay in la dilay waxa kale oo ku jira Wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye iyo madaxii hore ee baarlammaanka, Asmelash Woldeselassie.

AKHRI:  Ethiopia Oo Shaacisay Saraakiisha TPLF ee Isu Dhiibay Dawladda

saddexda sarkaal waxay ku dhinteen rasaas ay is weydaarsadeen ciidanka khaaska ah ee denbiyada, iyagoo diiday in ay isu dhiibaan ciidanka. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xukuumadda, balse laguma sheegin qoraalka faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha dilka saraakiisha sare, goobta lagu dilay iyo in jireen ciidamo ka garab dagaalamayay ama in meel gaar ah laga helay.

maalmihii la soo dhaafay dowladdu waxay ku dhawaaqday inay qabatay saraakiil badan oo ka tirsan TPLF, oo uu ku jiro Sebhat Nega, oo xubin ka ahaa aasaasayaashii TPLF, balse TPLF, ayaa sheegtay halgamaa la qabto iyo sarkaal in aannu ku istaagayn halgankoodu, waxayna ku hanjabeen in xataa haddii madaxda TPLF oo dhan ay dawladda Ethiopia qabato in ay sii wadayaan dagaalka ay ku xorraynayaan gobolkooda.

TPLF ayaa wacad ku martay inay sii wadayso dagaalka, UN-ka ayaa soo tabisay todobaadkii hore in “dagaalada maxaliga ah iyo amaan darada ay sii socdaan” meelo badan oo gobolka ah.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay tan iyo November markii dagaalku ka bilaabmay gobolka Tigray, iyadoo kumanaan kale u qaxeen dalka Suudaan, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha adduunka ee ICG.

Abiy ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November kaddib markii ciidamada federaalka ay galeen xarunta gobolka ee Mekele, balse xaaladda gobolka ayaa weli ah mid aan xasiloonayn sida ay sheegayaan hay’addaha qaramada midoobay.

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post