X
    Categories: Warar

Xukuumadda Ethiopia Oo Hadashay Saldhiga Millateri Ee Somaliland Siisay Dalka Imaaraadka Carabta

Araweelo News Network

Ambassador. Berhe Tesfay


Hargeysa(ANN)- Brig Gen Ambassador. Berhe Tesfay oo ah Safiirka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland leedahay go’aanka bixinta saldhiga Millateri ee ay dalkeeda ka siisay Imaaraadka.
Wuxuu sheegay in aanu ahayn mid khuseeya Ethiopia, Saldhiga ay Somaliland bixisay ee Millateri, sidaa awgeed ay yihiin cadowga Somaliland iyo Ethiopia, dadka faafiyey in safaaradooda Hargeysa la xidhay, wuxuuna sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xafiikooda Hargeysa la xidhay, isagoo si cad u sheegay inuu furnaan doono weligii.

Ambassador. Berhe oo Weriye Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan wargeyska DAWAN, wax ka weydiiyey warar suuqa lasoo geliyay oo lagu sheegay in safaarada Ethiopia la xidhay, ka dib ansixintii heshiis loogu ogolaanayo saldhiga Imaaraadka ku yeesho Somaliland.

“Wararkaasi waxba kama jiraan, waana wararka beenta ah ee ay faafiyaan kuwa cadowga Ethiopia iyo Somaliland. Xafiiska Ethiopia wuu furnaan doonaa weligii.” Ayuu ku jawaabay Ambassador Berhe.
Mar la weydiiyey mowqifka xukuumadiisa ee saldhiga Imaaraadku ku yeelanayo Somaliland, wuxuu yidhi, “Arrinkaa Saldhiga go’aankiisa waxa leh Xukuumadda Somaliland, mana khuseeyo Ethiopia. Muhiimada isticmaalka dekeda Berbera ee Ethiopia waa inaan amaan ku helo, taasina waa waajib saaran Xukuumadda Somaliland.”ayuu raaciyay hadalkiisa Ambassador Berhe Tesfay.

Hadalka Amb. Berhe Tesfay ayaa meesha ka saaray hadalo laysla dhexmarayey oo xisbiyada mucaaradka qaarkood ku sheegeen in xukuumada Ethiopia ka soo horjeedo Saldhiga Millateri ee Xukuumadda Somaliland dalkeeda uga ogolaatay Imaaraadka Carabta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post