Araweelo News Network
Banaanbaxyada rabshadaha wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, ayaa ruxay gobolka dalkaas ugu weyn ee Oromiya iyo gobolka kale Amharia, waxayna taasi sababtay in Xukuumadda Ethiopia ee Federaalku maanta ku dhawaaqdo go’aan ay dalka ku gelisay xaalad deg –deg ah (state of emergency), muddo Lix bilood oo xaalad degdeg ah. Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta iyo Tignoolojiga Mr. Debretsion Gebremichael.
, Rabshadaha oo si xidhiidh ah u socday tan iyo sanadkii hore, ayaa sii xoogaystay, iyadoo dadku dalbanayaan inay helaan cadaalad iyo xaqsoor, waxaana xaaladu faraha kasii baxday markii todobaadkii hore ku dhowaad 100 qof ku dhinteen xaflad-dhaqameed ay Oromadu lahaayeen, balse xukuumadda ayaa sheegtay in aanay tirada dadka ku dhintay xafladaa ahayn inta ay mucaaradku sheegayaan, balse ay ahaayeen 50 qof.
Ethiopia waxa mudadii ay socdeen banaanbaxyada rabshadaha wataa ku dhintay tan iyo November 2015, Ugu yaraan 500 oo qof, waxaana todobaadyadii u danbeeyay dalka Ethiopia waajahay xaalad cabsideeda leh, iyadoo Xukuumadda Ethiopia lagu canbaareeyay sida ay ula macaamilay dadka mudaharaadyada wada, kuwaas oo lagu canaantay inay u adeegsatay awood ciidan.
Banaanbaxyada socday maalmihii u danbeeyay waxay dadka mudaharaadayay bur-buriyeen Wrershedo ay leeyihiin dad ajaanib ah oo maalgashi ku sameeyay dalka, xarumo Boolis oo la gubay, gaadiidka dawlada iyo ugu yaraan gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu dilay halkaa, waxayna xukuumadda Ethiopia ku eedaysay rabshadahaa iyo dibadbaxyadaa inay wadaan kuwo aan dalka joogin oo sida ay sheegtay qallalaase doonaya inay ka abuuran dalka.