X
    Categories: Warar

Xukuumadda Ethiopia Oo Beenisay Hadalkii Xisbiga WADDANI Ee Maqnaanshaha Heshiiska Ballaadhinta Dekedda Berbera.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera & dhamaan iskaashiga u dhexeeya Somaliland, isla markaana beenisay hadal xisbiga Waddani ka soo yeedhay.

Md Berhe Tesfay, Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inaanu waxba ka jirin hadal xisbiga Waddani shaki kaga muujiyey ka maqnaanshahii Itoobiya ee xafladii heshiiska balaadhinta dekeda Berbera.

Md Tesfay oo weriye Maxamuud Walaaleye wax ka weydiiyey dareenkiisa heshiiskii balaadhinta dekeda Berbera iyo hadal xisbiga Waddani ka yidhi ka maqnaanshahooda, isagoo jooga Hargeysa galabta ayaa ku jawaabay,

“Itoobiya way taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera & dhamaan iskaashiyada ay la wadaagto Somaliland.” Ayuu yidhi Md Tesfay. Isagoo raaciyey.

“Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhamaysteen.” Ayuu yidhi.

Hadalka Qunsulka Guud ee Itoobiya Md Berhe Tesfay ayaa mugdiga ka saaray hadal Mr Nuuradiin Ibraahim AwCabdi, oo xisbiga Waddani ah ku sheegay in saamiga dekeda Berbera oo u dhexeeyey Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya, ay heshiiska balaadhinta dekeda Berbera Itoobiya ka maqnayd, halkaasina su’aal layska weydiinayo, ma saamiga Itoobiya ayaa been ahaa? Oo bulshada qaarkood hadal-hayeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post