X
    Categories: Warar

Xukuumadda Djibouti Oo Ku Hawlan Sidii Ay Maamulka Gobolka Selel Ee Somaliland Is Bedel Ugu Samayn Lahayd

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)Xukuumadda Dalka Djibouti ee Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ku hawlan sidii ay maamulka gobolka Selel ee Somaliland ugu samayn lahayd isbedel.

Sida ay sheegayaan warar shebekadda Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo lagu kalsoonyahay, wuxuu warkani soo baxay kaddib markii ay dhowaan Dalka Djibouti booqdeen laba masuul oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaas oo aan la ogayn ujeedada booqashadooda.
Ila wareedyada shebekadda wararka ee Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in Agaasimahii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdifataax oo dhowaan Madaxweyne Silaanyo u magcaabay Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose ee Somaliland oo uu weheliyo Meereeyihii hore ee Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas oo ka mid ah La Taliyayaasha dhinaca saxaafadda ee Madaxtooyadda Somaliland booqasho ku tageen halkaa, isla markaana kulamo la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Kulamadaa oo ahaa kuwo aan si dhab ah loo ogayn ujeedadooda, waxay wararka la xidhiidha iyo xogaha shebekadda Araweelo News Network ka heshay sheegayaan in labada sarkaal eek a socday Somaliland masuuliyiinta ay la kulmeen ee xukuumadda Djibouti usoo bandhigtay arrimo khuseeya gobolka Selel oo maamulkiisa iyo gacan ku hayntiisa inta baddan ay danayso dawlada Djibouti, waxayna labadaa masuul ku wargelisay Djibouti inay danaynay sidii maamulka gobolka Selel ee Somaliland loogu samayn lahaa isbedel, isla markaana loo keeni lahaa masuuliyiin ay iyagu xukuumad ahaan dhinacooda danaynayaan. Sidaa awgeed ay fariintaa ka gaadhsiiyaan xukuumadda Somaliland.

Lama ogga sababta Dawlada Djibouti u dalbanay is bedel lagu sameeyo maamulka gobolka ay Somaliland xadka ka wadaagaan, balse waxay marar baddan Djibouti saamayn siyaasadeed iyo mid maamul ku lahayd gobolka Selel, iyadoo masuuliyiinta xukuumadda Somaliland u magcawdo gobolkaa ka dhigta adeegayaal, ama gacan yarayaal ku shaqeeya siyaasadeeda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post