Araweelo News Network
Djibouti(ANN)Xukuumadda Dalka Djibouti ayaa cudur daar bixisay kaddib markii weriyayaal BBC-da qaybteeda dunida la hadasha ka tirsan lagu xidhay dalkeeda, isla markaana la musaafuriyay, kuwaas oo doonayay in oggaadaan qaabka ay u dhacay doorashada dalka Djibouti oo maalinta Jimcaha beri loo dareerayo.
“Mas’uuliyiinta dowladda kama war haynin dhacdada weriyayaasha, taas oo sababtay in laamaha ammaanka ay tallaabo qaadaan.” ayay tidhi Xukuumadda Djibouti oo ka hadlay dhacdadaa .
Xukuumadda Djibouti, waxay intaa ku dartay “Waxaan ka cudur daaranaynaa arrintaasi. Balse waxaa muuqata in weriyayaasha BBC-da aanay sheegin war buuxa oo sugan oo ku saabsan wararka ay doonayeen inay tebiyaan marka ay codsanayeen in la siiyo fasax ay ku soo warramaan.” ayay tidhi Xukuumadda Djibouti.
Hase yeeshee Kooxda weriyayaasha BBC-da arrintaasi way ku gacanseydheen, waxayna sheegeen inay si joogta ula xidhiidhayaan wasaaradda arrimaha dibedda oo ay la waadaageen qorshahooda ah siday u doonayeen inay wararka u tebiyaan.
Dhinaca kale Weriyayaasha, ayaa sheegay in loola dhaqmay si xun, isla markaana laga qaaday telefoonadii ay siteen ee gacanta. kaddibna la saaray Diyaarad ay leedahay shirkada Diyaaradaha Kenya oo markii lagu hubsaday lagu soo wareejiyay Telefoonadooda, wuxuuna Weriyaha lagu magcaabo Tomi Oladipo oo Idaacada qaybteeda BBC Monitoring Africa security correspondent, ka socday, isla markaana ka mid ahaa sadex weriye oo laga masaafuriyay dalka Djibouti maqaal uu ka qoray ciwaan uga dhigay Djibouti Dumuqraadiyadii Maqaarka Jilicsanayd, “Djibouti’s thin-skinned democracy”