X
    Categories: Warar

Xukuumadda Britain Oo Caddaysay in Qaddiyadda Somaliland la Hordhigi Doono Gollaha Ammaanka Ee Qarammada Midoobay

Araweelo News Network


Ambassador Peter Wilson Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee dawladda Ingiriiska u jooga Qarammada Midoobay

New York(ANN)Dawladda Ingiriiska, ayaa bixisay tibaax muujinaysa in qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland la horgeyn doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.
Ku-xigeenka Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska ee Qarammada Midoobay Ambassador Peter Wilson oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey madaxbannaanida Somaliland shalay, ayaa sheegay in qaddiyadda Somaliland tahay mid dhinacyo badan khusaysa, sidaa darteedna ay la tashi la samayn doonaan Golaha Ammaanka, isagoo aan si cad u sheegin waqtiga ay la-tashigu bilaabmi doono.
Suxufi ka tirsan hay’adda warbaahintra ee Inner City Press, ayaa Ambassador Peter weydiiyey su’aal ahayd; ‘Waxa jira in hal milyan oo qof oo reer Somaliland saxeexeen codsi (pettion) ay beesha caalamka kaga dalbanayaan aqoonsi, markaa waa maxay aragtida dawladda Ingiriiska ee la xidhiidha arrintaas?’ waxa uu ku jawaabay, “Hagaag, waxa aan aan u malanaynayaa in hannaanka doorashooyinku yihiin arrinta aannu si aad ah u danaynayo sidii loo dammaanad qaadi lahaa in la helo hab laga wada qaybqaato sida ugu macquulsan.”
“Qaddiyadda Somaliland waa mid aad u cufan oo dhinacyo kala duwan khusaysa (very complex one) laakiin waa mid aan rajaynayo in aannu la-tashi kala yeelanyo (xubnaha Golaha Ammaanka),” ayuu yidhi diblomaasiga sare ee Ingiriiska u jooga Qarammada Midoobay.
Weriyaha Inner City Press, ayaa sidoo kale Wakiilka dawladda UK u qaabilsan Qarammada Midoobay Ambassador Matthew Rycroft la kulmay 23 August 2016, waxaannu wax ka weydiiyey qoraalka codsiga ah ee halka milyan ee muwaaddiniinta Somaliland saxeexeen, kuna dalbanayaan in beesha caalamku aqoonsato, balse arrintaas wuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo, waxaannu si kooban u yidhi; “Waan ka soo fiirsanayaa, dib ayaanan kuu siin doonaa jawaabta arrintaas.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa xaflad lagu qabtay Hargeysa, 23 August 2016 waxay ku soo bandhigtay natiijada qoraal codsi ah (Petition Letter) ay saxeexeen hal milyan iyo kow iyo labaatan kun (1,021,000) muwaaddin, kaasoo ay beesha caalamka kaga dalbadeen inay aqoonsadaan jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post