X

Xukuumadda Ankara Oo Ka Hadashay Khilaafka Iyo Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Aloosan Soomaaliya

Foreign Minister Mevlut Cavusoglu

Araweelo News Network.

#Ankara Oo Ka Hadashay Khilaafka Iyo Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Aloosan Soomaaliya

Ankara(ANN)-Xukuumadda Ankara ee dalka Turkiga, ayaa si adag uga hadashay xaaladda siyaasada qasan ee Soomaliya iyo khilaafka u dhexeeya xukuumadda mudda dhaafka ah iyo mucaaradka oo kusii siqaya in khilaafkii sii xoogaysto oo gacanta laysula tago.

Ankara, waxay ka mid tahay dalalka sida weyn dhaqaale ahaan siyaasad ahaan iyo amni ahaan taageerada dhaqaale ee ugu badan siiya xukuumadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana shirkaddo ay leeyiihiin gacanta ku hayaan ilaha dhaqaalaha kuwa ugu muhiimsan sida Dekedda Muqdisho iyo Madaarka diyaaraddaha ee Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga oo muujinaysa mawqifkeeda xilligan khilaafka ay gashay Soomaaliya iyo cabsida laga qabo in xaaladdu faraha ka baxdo, waxay ugu baaqday dhinacyada xukuumadda, maamul gobolleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka in xaaladda la dejiyo, isla markaana si wada jir ah loogu dhaqaaqo sidii loo fulin lahaa heshiiskii wadaaga ahaa ee doorashada oo ku taariikhaysan 17 September 2020.

 

“Waa Muhiim ah in laga wada qaybgalo xal ka gaadhista muranka salka ku haya doorashooyinka, dhammaan Saamilaeyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabshado, isla markaana waa in si wadajir ah xal looga gaadhaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020,” ayaa lagu yidhi, bayaan qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

“Waxa aan rumaysan nahay in walaalaheen (Soomaalida) iyo saaxiida Soomaaliya ay leeyihiinr rabitaan iyo bisayl siyaasadeed oo ay go’aan  kaga gaadhi karaan Mustaqbalkooda,”.ayaa lagu yidhi, Bayaanka kasoo baxay Ankara.

Sabtidii, mucaaradka Soomaaliya waxay ku dhaarteen inay riixayaan dibadbaxyada looga soo horjeedo dib u dhaca doorashooyinka dalka, maalin kadib markii rabshado ay ka bilowdeen caasimada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan askar, ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay is rasaaseyn dhexmartay shaqaalaha militariga iyo xubnaha mucaaradka agagaarka madaxtooyada Jimcihii hore.

Xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliya ayaa bilaabay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo go’aanka dowladda ee ku aadan dib u dhigista doorashooyinka, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed inuu xilka ka dago maadaama uu waqtigiisii dastuuriga ahaa uu ku dhammaaday 8 Feberwry 2021.

Balse Madaxweynaha xilligiisu dhamamaday, ayaan dheg u dhigin baaqa mucaardka, waxayna xaaladdu kusii siqaysaa in ay arrintu faraha ka baxdo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post