X
    Categories: Warar

Xukuumadda Ankara Ee Turkiga Oo Deeq Raashin dhan shan kun Ton oo Sonkor iyo Daqiiq keentay Somaliland

Araweelo News Network

Berbera(ANN) Qunsulka dalka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel ayaa sheegay in dalkiisu labanlaabi doono taageerada uu u fidinayo shacabka ay walaalaha yihiin ee Somaliland, isla markaana mashaariico waxtar u leh Shacabka Somaliland Turkigu ka fulin doono dalka.

Mr. Yuksel oo doraad ka hadlayey xaflad uu ku wareejinayey deeq raashin gaadhaya shan kun ton oo Turkigu ugu deeqay shacabka Somaliland masuuliyiin ka mid ahaayeen Wasiirka ganacsiga iyo Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo xubno kale dekeda Berbera ayaa sheegay inay waajibaadkiisa iyo ballanqaadkiisu yahay taageerada Somaliland.

Deeqdan dalka Turkigu oo ka kooban raashinka Sonkor iyo Daqiiq oo 28 bishan soo gaadhay dekeda Berbera ayaa la sheegay inay kaga jawaabayaan baaq hore xukuumada Somaliland uga codsatay taageerida dadkii ku caydhoobay abaarahii ba’naa ee ka dhacay dalka, isla markaana loo qeybin doono dhamaan gobolada dalka.

Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Adan Ismaaciil ayaa sheegay in deeqdan Turkigu ka dambaysay baaq hore xukuumada Somaliland iyo gudigii heer qaran ee Abaarahu u gudbiyeen, waxaanu yidhi,

“Xafladan aan kaga gudoomayno dalka Turkiga deeq raashin dhab shan kun kiish, oo ugu deeqeen dadkii abaarahu wax yeeleeyen, waxay ka dambaysay baaqii guddiga heer qaran ee abaaraha iyo Madaxweynaha JSL u direen xilligii abaarahu saameeyeen dalka, oo dalka Turkiga aanu walaalaha nahay ka soo jawaabeen, aadna uga mahadnaqayna, waanan ka gudoonay, sidoo kale hore shan kun oo Ton ayey noogu deeqeen sannadkii 2013.

Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel oo xaflada wareejinta ka ahdlay ayaa sheegay inaanu ahayn markii koowaad ee Turkigu deeq raashin soo gaadhsiiyo Somaliland, isla markaana cadeeyey inay dhinacyo badan kala shaqeyn doonaan shacabka Somaliland, waxaanu yidhi

“Waxaan doonayaa inaan caawino walaalahayaga Somaliland rag iyo dumar. Hadii Ilaah Yidhaahdo, waanu sii wadi doonaan la shaqeynta xukuumada Somaliland iyo shacabkooda mustaqbalka. Maaha keliya gargaarada bani’aadminimada, balse dhamaan dhinacyada kala duwan, sida arrimaha horumarka, dhaqaalaha, iyo maalgashiga, tani waa ballanqaadkayaga iyo waajibaadkayaga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Cumar Shucayb oo gebagebadii xaladaa ka hadlay ayaa yidhi, “Si weyn ayaan ugaga mahadcelinaynaa dawlada Turkiga mucaawinadan raashinka ah, hadii Ilaah yidhaado waxa loo qeybin doonaa sidii qorshahu ahaa raashinkan.”

Deeqdan dalka Turkigu soo gaadhsiiyey ayaa imanaysa xilli dhowaan Madaxweynaha dalka Turkigu Mr. Recep Tayyip Erdoğan dalka Somaliland u doortay wadammo loogu gawraco xoolahii ciida Carafada ku waajibay qoyskiisa, isla markaana gacantiisana kula qoray deegaanka xaaskiisu ka soo jeedo Turkiga iyo halyey ku shahiiday inqilaabkii dhowaan dalka ka dhacay, taasoo muujinaysa kaalinta dhow ee Madaxweyne Mr. Erdoğan ka taagan yahay shacabka iyo xukuumada iyo dalka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post