X
    Categories: Warar

Xukuumada Soomaaliya Oo Ku Hanjabtay In Aanay U Dulqaadanayn Musuqmaasuqa

Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Xasan Khayre

Muqdisho(ANN)Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in aanay u dulqaadanayn musuqmaasuqa. Sidaana waxa lagu sheegay war Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Mr. Khayre, ayaa yidhi, “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah umma  yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo cidhibtiri lahaa musuqa”.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddida la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah.

Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono tallaabooyinka iyo hanaanka hay’adeed ee ku xusan xeerka la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ka mid tahay magcaabista guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo hay’adaha kale ee hufnaanta.

“Hambalyo maalinta la-dagaalanka musuq-maasuqa, Xukuumadeyda waxaa ka go’an la dagalanka musuqa iyo dib-u-soo celinta dawlad wanaagga, waxaan horumar gaadhi karnaa markii aan ka guuleysano musuqa”ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay haystaan caqabado badan oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo ka dhashay tobanaan sano oo sharci-darro ay ka jirtay dalka, tanina ay curyaaminayso hiigsiga horumarineed iyo koboca dhaqaalaha. Waxana uu intaa ku daray in iyadoo la garawsan yahay xajmiga dhibaatadan, ay xukuumaddu mudnaan weyn siisay xakamaynta musuqmaasuqa iyo meelmarinta maamul wanaagga.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post