X
    Categories: Warar

Xukuumada Somaliland oo ka Noqotay Go’aankii ay ku Mamnuucday Qaxootiga Soomaalida ah ee Ka Imanaya Yemen

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka noqotay go’aankeedii ee ahaa inay joojiyey qaxootiga Yemen ee ka soo degi jiray dekedda Berbera, gaar ahaan dadka Soomaalida ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde uu sheegay in qaxootigaas la joojiyey toddobaadkii hore.
Hasayeeshee, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku faafiyey boggiisa Twitterka ku caddeeyey in laga noqday go’aankaas hore, isla markaana Somaliland ogoshahay in Soomaalida qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalada Yemen ka soo degi karaan dekedda Berbera, kadibna loo gudbin doono degaannada ay u kala dhasheen.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali,waxa u daboolka ka qaadey in aanay Xukuumadu diyaar u aheyn in ay qaabisho Qaxootiga Yemen,ee u dhashey Wadanka Soomaaliya isagoo ku sababeeyay in aanay jirin ogolansho dhinaca dhaqaalaha ah oo ay beesha caalamku ku aqbashey in qaxootiga Soomaaliya,ee kasoo cararey dagaalada wadanka Yemen ku talagal ahaan ay ugu talagashey in loo qaabilo qaxoonti ahaan,haseyeeshee, ay qaabilayaan qaxoontiga u dhashey Wadankaasi Yemen iyo waliba kuwa Itoobiyaanka ah laakiin, waxa uu Wasiirku xusey in loo sameyn doono naxariis iyo
in loo gudbiyo wadankoodii, kuwa hore qeybaha kalena la joojiyay.
Hadalkan Wasiir Xirsi ee ku sahabsan Qaxoontiga Soomaaliyeed oo uu ku faafiyay bogiisa tiwterka oo ahaa qoraal ku qoran luqada ingiriisiga ayaa  daba socdaa hadal u dhawaan Warbaahinta ka jeediyay, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade,kaas oo ku sahabsanaa qaxoontiga Soomaaliyeed ee kasoo cararey dagaalada kasocda Wadanka Yaman. Balse xukuumadda Somaliland ayaa dhegxumo Iyo canbaarayn ka dhaxashay go’aankaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post