X
    Categories: Warar

Xukuumada Somaliland Oo Go’aan Kasoo Saartay Shir Aan Caadi Ahayn Oo Golaha Wasiiradu Yeesheen

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa go’aan kasoo saaray shir aan caadi ahayn oo maanta golihiisa wasiiradu yeesheen.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Shirka golaha wasiirada oo lagu shaaciyay go’aankaa, ayaa u qornaa sidan:-

“Shir aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/06/2017 ay yeesheen shir gudoominayeyna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagaga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka, madaama oo ay masuul walba ka saaran tahay masuuliyad gaari ilaalinta iyo dhawrista hantida danta guud ahi.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara golaha wasiirada u faray inay dhawraan oo ay ilaaliyaan nidaamka dawladnimo astaamihiisa, sida dhammaan gaadiidka dawlad, waxaana ka madnuuca in lagu xidho nambarka shacab gaadiidka dawladda, iyadoo uu madaxweynuhu faray in gaadhiidka dawladda lagu xidho namberka dawlada (GT) laguna xareeyo nambarka shacabka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Go’aankaa golaha wasiiradana waxa dabagalkeeda u xilsaaran wasaarada hawlaha guud, gaadiidka & guryeynta iyo ciidamada amniga.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post