X
    Categories: Warar

Xukuukadda Somaliland Oo Shaacisay Tirakoob Laga Samaynayo Dalka

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi). Araweelo News Network 9 August 2020.

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay dalka ka samaynay tirakoob ka dhacaya ugu yaraan gobolada dalka oo dhan, ama ugu yaraan Lixda magaalo madax ee dalka.

Sidaana, waxa sheegay  wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo warbixin ka siinayay maanta Fadhiga golaha Wakiiladda Somailand hawsha ay qaranka u hayso Wasaaradda Qorshaynta, iyadoo xildhibaanadu su’aalo ka weydiiyeen arrmaha mashaariicda iyo qorshayaasha xukuumadda.

Wasiir Gaafaadhi, ayaa sheegay in aannay Bulshada Somaliland ka marmaarmayn in wax laga bedelo qaabkii nolosha reer guuraaga ahaa ee aynu u noolayn, sidaa awgeed loo baahanyahay sidii loo samayn lahaa qorshe aynu ku bedelno qaabka aynu u noolayn, wuxuuna tusaale usoo qaatay Mashruuca Banka Arroori oo uu sheegay in is bedelka lagu samyeeyay ay sabab u tahay dhaqaalaha badan ee la geliyay.

Mar la weydiiyay sababta ay Xukuumaddu gobolada Bariga uga gaabisay mashaariicda dawladda, wuxuu sheegay in arrintu aannay ahayn saluuga miisaaniyda dawladda oo ah wax koobban oo dalka oo dhan lagu maamulo, balse ay mushkiladu tahay qorshaha ay ku shaqeeyaan Hay’addaha dalka ka hawl galaa, isagoo xusay in Hay’addahu u sameeyeen qiimayn, sidaa awgeed marka la eego xaaladdaha dhinaca amaanka ee ka jira xilligan ay sabbabeen waxyaabaha ay ka cabanayaan, sidaa awgeed loo baahanyahay in ay dadku fahmaan ahmiyada nabadgelyadu u leedahay horumarka.

Gaafaadhi, wuxuu tusaale usoo qaatay gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceel-afweyn oo uu sheegay in Wasiiraddu ku sugan yihiin muddo saddex bilood ah, iyadoo wixii dhacay la dhamayn karo, “Bariga midbaa la gudboon inay meesha ka saaraan oo dhul ammaan ah, haddii wax dhacaan waa inay noqdaan wax la daweeyay oo bogsaday, Ceelafweyn hadda Wasiiradu waxay fadhiyaan bishii saddexaad dawlad dhan ayaa halkaa fadhida, wax la dhamyn kari waayayna maaha, wax aan la dhamyn kar dhankina maaha, markaa waa dadka shacabka ah, haddii aannay shacabku diyaar u ahayn in wixii wax ka xumaynaya ay iska qabtaan way hadhayaan xaqiiqdii, markaa wax baddan dadku way leeyihiin masuuliyadeeda dawladduna qayb way ku leedahay.” Ayuu yidhi,Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi). sidaa awgeed, wuxuu sheegay in dadka deegaamada Barigu doortaan dib u dhaca iyo horumarka midka ay doonayaan.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka dib loogu xoolaynayo si ay noloshoodii dib ugu bilaabaan, balse ay qorshahaa fulinayaan haddii ay diyaar u yihiin dadku, walaw uu ka dayriyay qaabka ay dadka noloshooda u bedeleen ee ay ula qabsadeen waxyaabaha yar ee la siinayo iyo waxa mobilka loogu shubayo, isagoo sheegay in aannay diyaar u ahayn xukuumad ahaan in dhaqan-xumada ay dadkii kusii jirayaan xeryaha aannay diyaar u ahayn oo qorsheeyeen in wixii la barayo xirfado iyo wixii dib Xoolayn u baahan in ay diyaar u yihiin xukuumad ahaan.

 

 

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxa uu sheegay in Mashruuca Dekedda Maydh la saxeexayo todobaadkan, isla markaana la bilaabayo maalamaha soo socda, sidaa awgeed la eegayo qaabka mashruucaasi dhaqdhaqaaq ganacsi u bilaabo, wuxuuna sheegay in mashruucaasi ahmiyad weyn u leeyahay gobolada Bariga, gaar ahaan Sanaag.

“Waxaanu wasaarad ahaan tijaabinaynaa miisaaniyadu haba koobnaatee in Tirakoob laga sameeyo Lixda Gobol, weliba Lixda magaalo madax, sannadka soo socda, iyadoo guri-guri loo gelayo.” Ayuu yidhi, Gaafaadhi,  oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay in xukuumaddu diyaar u tahay in dalka tirakoob laga sameeyo, wuxuuna sheegay in qofka yidhaahda waa layga tegey la weydiinayo gurigiisa, iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post