X
    Categories: Warar

Xukumadda Somalia Oo Raali Gelin Ka Dalbatay Dawlada Kenya Dhacdadii Lagu Bah-dilay Raysal Wasaaraha

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra¨´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF).

Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.

Dowladda Federaalka Sooomaaliya, waxa ay ka sugeysaa hogaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur daar rasmi ah iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada.

Gabagabadii, dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post