X
    Categories: Warar

Loolanka KULMIYE: Xubno Wasiiro Ah Iyo Xildhibaano Jawaab Ka Bixiyay Dhawaaq Kasoo Yeedhay Wasiiro Iyo Xubno Dhigooda Ah

 

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Somaliland Caddaani Saxardiid

Hargeysa (ANN)Xubno Wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno Baarlamanka iyo salaadiin, ayaa jawaabo ka bixiyey dhawaaqyo lagu duray munaasibad ay hore ugu taageereen Guddoomiyaha Xisbiga KUMIYE, Muuse Biixi iyo murashaxnimadiisa, kuwaas dhawaaqa ka sheegay xaflad loo sameeyey soo dhawaynta iyo shaacintii murrashaxnimada tartanka KULMIYE dhexdiisa ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis maalintii Axaddii todobaadkan.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ahaa xubno masuuliyiin ka qaybgalay soo dhawaynta Wasiir Biixi, ayaa duray jiritaanka in xubnaha golaha dhexe ee ay ka soo wada jeedaan ee galbeedka Burco, kuwaas oo taageero buuxda siiyeen murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kalena, Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo isna ka qaybgalay soo dhawayntaasi, ayaa sheegay in aan xukunka dalku u baahnayn nin askari ama janan ah, isagoo ula jeeday Muuse Biixi.

Muuqaalka Kulanka lagu taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi ee Xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYEm waxgaradka iyo salaadiinta Koonfurta Hargeysa

Haseyeeshee, waxa doodahaasi ka jawaabo ka bixiyey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdiilaahi Saxar-diid (Caddaani), xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin reer Hargeysa ah, kuwaas oo dhammaantood ka qaybgalay xaflad madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira deegaanka Koonfurta Hargeysa (Salaxley), taageero buuxda ku siiyeen murrashaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi oo ka dhacday huteelka Ambassador maanta.

Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdiilaahi Saxar-diid (Caddaani), ayaa been iyo indho-adayg ku tilmaamay diidmada siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin ka bixiyeen taageerada Guddoomiyaha KULMIYE, waxaannu yidhi, “Wixii huteelka KAAH ka dhacay ee caddaa (xafladdii xubnaha dhexe ee deegaankayagu ku taageertay Muuse Biixi), ayaa shalay (Axaddii) markii madaarka la joogay waxa la yidhi, ‘cid joogtay KAAH oo golaha dhexe ee KULMIYE ahi ma jirto.’ Waaryaadhaheen! rag waawayn oo xilal u haya Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo weliba qaarkood xil u haya xisbigan ayaa intay ummadda reer Somaliland soo horistaageen, 14 xubnood golaha dhexe ah ayaanu soo dhignay, 6 kale oo caan ahna magacyadooda madashaanu ka sheegnay oo 20 baanu ahayn, ninka intuu ummadda soo hor istaagay yidhi, “cid golaha dhexe ahi may joogin xataa, ma aniga ayey i garanwaayeen ninkaygaa cad, oo waxay garan waayeen xubnaha kale ee wada caanka ah iyo masuuliyiinta, Ina Xagaa Dheere ayaa laga hayey ‘haddaannu hadalno waa af-ku-sallax dhegayagii, haddaannu aamusnana adhigaa sidaa laga dayn maayo.’ Waqtiga iyo Sabanka aynu ku jirnaa waa kaa inta madaarka laga soo dego lagu leeyahay 200 nin oo golaha dhexe ah ayaa fadhiya, maxaa loo soo tubi waayey hadday laba boqol joogeen, hadday intaa hayaan may keenaan? Annagu beenta ma naqaanno, waxaannu abaabulno oo aan run ahayn oo ummaddu u sheegnaa ma jiraan.”

Xunaha ka hadlay kulanka

Wasiir Caddaani waxa uu ku adkaystay in isaga iyo aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee beeshiisa ay ka go’an tahay taageerada iyo la shaqaynta Muuse Biixi, “Shakina igagama jiro Jamhuuriyadda Somaliland inay soo saari doonto Muuse Biixi Cabdi inuu dalkan hoggaamiyo, wuu u qalmaa, wuu u soo halgamay, waqtigiisii buu joogaa,” ayuu yidhi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland

Sidoo kale, Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), ayaa isna wax laga xumaado iyo dhaqan cusub ku tilmaamay in Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE uu dafiro baaxadda xildhibaannada golaha dhexe ee deegaankooda kasoo jeeda, kuwaas oo kulankii ay ku shaaciyeen inay barbartaagan yihiin Muuse Biixi.

 

Waxa kaloo uu sifeeyey habkii uu xildhibaan Waabeeye hadalka u gudbinayey markii ka hadlayey soo dhawayntii Wasiir Biixi, waxaannu yidhi, “Annaga reer Ceerigaabo waxoogaa waxa nalagu yaqaan wax la yidhaa Maakhiriyad, laakiin qolyihii reer Hargeysa iyo reer Burco way naga barteen hadda oo markii uu lahaa (Waabeeye) dadka dhawaan-yimiga ah ee cusub loo dhiibi maayo talada golaha dhexe waxaan arkayey kolba isagoo yar eegaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, markaa waxaan is idhi nimankii reer Togdheer waxay idinka barteen maakhiriyadii la idinku sheegi jiray. Waxa kaloo leeyahay oo aan kula talinayaa inaadeerkay (Waabeeye) hoggaanka ayuu noogu jiraa, hoggaankii xisbiguna waa ka halkan fadhiya, waana inagu ceeb inuu kursigiisii madhan yahay ee haddii uu imanwaayo Caddaani baanu fadhiisin doonaa.”

Xildhibaan Bukhaari

Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, ayaa isna ka jawaabay hadalkii Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir ku sheegay in aan askari loo baahnayn, “Rag baa waxay yidhaahdeen askariga ama Muuse Biixi looma baahna, horta haddii ay maalmaha qaar ay ahaan lahayd daqiiqad naftu kumay jirteen, maanta kama duwana maalmihii loo baahnaa. Waxa kaloo leeyahay Suldaanka guud bi’i-waaye inaadeer maalin walba godobtu ma fiicana ee hareerahaaga eeg oo yaanay kaa noqonin aragtiye maxaad odhan ma ishaad wax kaga guri adoo nin wayn ah?,” ayuu yidhi Suldaan Cadde-gude.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post