Araweelo News Network

jamaal Ali XusenHargeysa (ANN)-Xubno ka mid ah garabka uu hoggaamiyo murrashaxii Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ee dibadda uga baxay xisbigoodii kadib khilaaf muddo dheer kala dhexeeyey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey inay ku biireen xisbiga WADDANI.
Siyaasiyiin ka mid ah garabkan oo uu ka maqan maqanyahay hoggaamiyahoodii Jamaal Cali Xuseen, balse ay horkacayaan xubno ka mid ahaa guddi garabka Jamaal u matalayey wadahadallo ay la yeesheen labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay goosteen ku biirista xisbiga WADDANI kadib markii ay isku afgarteen wadahadal dhexmaray.
Siyaasiga Xasan Cismaan Sabce oo ka mid ahaa xubnaha guddiga garabkooda uga qaybgalay wadahallada ay la yeesheen labada xisbi, ayaa sheegay in mus-dambeed ay lahaayeen kooxdoodu ay kala doorteen natiijadii uga soo baxday jawaabihii ay siiyeen masuuliyiinta axsaabta wada xaajoodku dhexmaray, sidaas darteedna aqlabiyadda garabkoogu isku raacday inay ku biiraan WADDANI dhawaan.
Xoghayihii guud ee garabka ka goostay UCID Aadan Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa tilmaamay sababta keentay inay dhinacoodu ku biiraan xisbiga WADDANI waxaannu yidhi, “Markii aannu la soo kulanay labada xisbi ee aannu aad iyo aad u falanqaynay oo aannu siinay waqti badan bal qolo waliba waxa ay ku maamulayso ama ku hoggaaminayso dalkan, markii aannu ku soo noqonay mus-dambeedkii ee aannu isla eegnay waxaannu go’aan ku gaadhnay in aannu u badinno siday u kala badan yihiin oo ah in annagu haddaanu nahay aqlabiyadda garabkii Jamaal Cali Xuseen aannu ku biiri doono xisbiga WADDANI oo waxyar oo gabogabo ahi noo dhiman yihiin.”
Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in mowqifkoodu la xidhiidho sidii ay u heli lahaayeen meel ay ka hirgeliyaan afkaartooda, “Waxaannu is leenahay Somaliland halka aad ka dhex ciyaari karaysaan hadafka aannu wadno waxa ugu dhaw xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,” ayuu yidhi Md. Qabille.
Hasyeeshee, Jamaal Cali Xuseen oo isagu hoggaamiya garabka ka tirsanaa xisbiga UCID, ay ganafka ku dhuftay go’aankaasi xubno ka mid ah garabkiisu qaateen.
Jamaal Cali Xuseen oo hadal kooban khadka telefoonka ku siiyey telefishanka Somali News, waxa uu sheegay in guddidii uu u xil saaray wadahadallada xisbiyadu ay is khilaaftay, isla markaana go’aan ka gaadhista xisbiga garabkiisu ku biirayaa isaga u taalo, waxaannu yidhi, “Runtii way degdegeen nimankaasi oo guddigii baa kala jabtay, inay dadka afduubaana may ahayn, markaa meel aannu ku biirnay ma jirto ee waa anigoo hoggaamiye ah in aan go’aan qaato mar haddii la kala jabay, sidaas ayaan ku wargelinayaa, go’aan garabkayagii ah maaha ee waa go’aan shakhsiyaad ka mid ah garabkaygii oo iyaga ayey jirtaa.”
Sidoo kale, qoraal Jamaal Cali Xuseen ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakada bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook xalay, waxa uu farriin ugu diray taageerayaashiisa in aanay waxba ka jirin warka ay baahiyeen xubno ka mid ahaa garabkiisa,
“Waxaan ku wargelinayaa dhammaan taageerayaasha, bulshoweynta Somaliland in shirkii jaraa’id ee maanta la sameeyey ee la yidhi Garabkii Jamaal Cali Xuseen ayaa meel ku biiray aannu matalaynin mawqifkayga iyo garabka aan hogaaminaayo. Guddidii aannu u igmanay wadahadalladda inay kala jabeen oo ay jiraan masuuliyiin ka mid ah iyo madax kale oo doonay inay meel ku biiraan runtii may ahayn in saxaafadda ka sheegaan arrin aan la isla ogayn. Dadku waa kala fikrad, xorna way u yihiin, dadkii aanu soo wadashaqaynayna xaq bay u leeyihiin inay ku biiraan meesha ay rabaan. Maadaama ay guddidii wadahadalladu ay kala jabeen, waa inaan anigu go’aan qaataa. Haddaba, aniga Jamaal ahaan halka aan u hoggaaminayo taageerayaashayeena waxaan soo sheegi doonaa maalmaha soo socda Insha Allaah, laakiin way jiri karaan shakhsiyaad garabkayagii ka mid ah oo sugi kariwaayey oo iyagu jeclaystay in ay meel ku biiraan sida dhacday maanta, laakiin ilaa iminka meel aannu ku biirnay ma jirto garab ahaan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.