X
    Categories: Warar

Xubnaha Gollaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Baaq Loo Jeediyay

Xohayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe jaamac Shabeel

Hargeysa(ANN)Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa lagu war-geliyay inay maalinta Sabtida ee todobaadka danbe oo ku beegan 17 Oct, 2015, iska xaadiriyaan xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo caawa kasoo baxay xafiiska KULMIYE, kaas oo si gaar ah loogu socodsiiyay xubnaha golaha dhexe ee ku sugan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Qoraalkaa oo ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee Xsibiga Xasan Siciid Yuusuf, ayaa u dhignaa sidan:-“Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh loogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.
Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.” ayaa lagu yidhi baaqa oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE  Xasan Siciid Yuusuf.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post