X
    Categories: Warar

Xubin Golaha Wasiirada Cusub Ee Somalia Oo Is Casilay

Mogadishu(ANN)Xubintii u horaysay golaha wasiirada ee Khamiistii todobaadkan nuu magcaabay Raysal Wasaaraha Somalia, ayaa is casilay, Wasiirka is casilay ayaa ah Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo loo magcaabay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Masuulkaa ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay in aan lagala tashan markii xilkaa loo magcaabay. Sidaa awgeed uu gartay inuu iska casilo, isagoo sidaa u sheegay Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga.
Wasiirka Gaashaandhiga ee is casilay, ayaa ka mid ahaa 66 xubnood oo ay ka koobnaayeen xubnaha golaha wasiiradda ee uu magcaabay 5 Febuary 2015.

Raysal Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid, ayaa caqabad kala kulmay laba jeer oo hore oo uu magcaabay Golihiisa wasiiradda, kuwaas oo ay ganafka ku dhufteen Baarlamaanka Somalia, taas oo ku khasabtay inuu dib ula noqdo, balse magcaabista golaha waiiradda oo ah markii sadexaad, ayaan la ogayn in Baarlamaanku ansixinayo iyo inuu ganafka ku dhufanayo, balse waxa la eegayaa saacadaha soo socda inuu raysal wasaare Cumar Cabdirashiid u helo xukuumaddiisa taageero iyo kalsooni dhinaca Baarlamaanka ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post