Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caddeeyey in waqtiga loo qabtay qabsoomidda doorashada Madaxtooyadu yahay mid kooban, sidaa darteedna ay xisbi ahaan u baahan yihiin inay si xooggan isugu diyaariyaan ololaha doorashada.
Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey kulan lagu falanqeeyey qorshaha ololaha doorashada ee garabka haweenka heer qaran ee xisbiga WADDANI oo lagu qabtay hudheelka Maroodi-jeex ee Hargeysa , waxa uu yidhi; “Waqtiga inoo hadhay wuu kooban yahay, waa bilo, bilahaasna waxa ku jira qeybintii kaadhadhka lagu gelayo doorashada oo ay ku jirto xilligii ololaha doorashada oo ku dhex jirto Ramadaan, markaa marka intaas oo dhan la isku daro runtii waqtiga hadhayaa aad buu u kooban yahay, waxana la innooga baahan yahay in aynu maamulka daadejinno oo aynu dedaalno, farriinteenuna gaadho albaab walba oo ku yaal gobol kasta iyo magaalo walba. Farriinteennu waa in ay gaadhaa muwaaddin kasta, waxana loo baahan yahay in aynu asxaabta kale kaga horreyno diyaargarawga iyo qorshahaba, waxaanad mooddaa in aynu ka horreyno maadaama aynu ka hadlayno sidii aynu u geli lahayn ololaha doorashada, haweenka xisbigana aad baan ugu mahad-naqayaa dedaalka ay muujiyeen iyo diyaargarowga ay sameeyeen.”
Waxa kaloo uu ammaanay kulanka xisbigiisu ka yeeshay diyaargarowga ololaha doorashada madaxtooyada ee loo muddeeyey dabayaaqada sannadkan 2017, “Aad ayaan dhaweynayaa dhammaan dadka kala duwan ee ka soo qeybgalay hawshan lagu fallan-qeynaayo barnaamijka ololaha xisbiga WADDANI ee haweenka, waxaanan aad ugu bogaadinayaa garabka haweenka heer qaran ee xisbiga WADDANI oo hawshan qabtay, waxaana aan ugu mahad-naqayaa diyaargarowga ay durba diyaargaroobeen, iyadoo hadda uun lagu dhawaaqay waqtigii doorashada, waxaanaynu diyaar u nahay in aynu dhegeysanno qorshaha la innoo soo bandhigayo, iyada oo weliba uu joogo Guddoomiyaha Ololaha ee Xisbiga WADDANI.”

Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu fallan-qeeyey barnaamij siyaasaddeedka xisbiga WADDANI ee haweenka iyo weliba kulan soconayey muddo hal maalin ah, waxa kaloo ka qeyb-galay murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Xoghayaha Guud ee Xisbigaas Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, madaxa Ololaha WADDANI Mr. Xamse Kheyre, guddoomiyaha garabka haweenka, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weliba mas’uuliyiin aad u tira badan oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI marwo Foosiya Keyse oo ugu horreyn ka hadashay kulan hawleeedkan ay u qabteen haween weynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa tilmaantay in maadaama oo ay soo dhawdahay xiligii la qabanayey Doorashadu in ay ka garab ahaan ka qeyb-qaataan qorshe hawleedkooda ay ku wajahayaan siddii fariinta Xisbiga loo gaadhsiin lahaa haweenka Somaliland.
“Ugu horreyn waan idiin ka mahad-celinayaa ajiibka aad na soo ajiibteen in aad kulankan naga la qeybgashaan oo ay ugu horreyaan marwooyinka iyo Madaxda kale duwanba, waxa aan idiin sheegayaa in maanta aanu soo bandhignay barnaamij ay leeyihiin haween weynhaa Xisbiga WADDANI, Isha Allaahu na wixii aanu sameynay qoraal iyo hadal ahaan ba waanu idiin ku sheegnay, mana aha wax xidhan ee wax furan oo aynu wada leenahay sida oo kalena intiina maskaxood ee fadhida rag iyo dumar baa ad nagu biirin kartaan, waxyaabo badan baanu hore u soo sameynay, balse maanta waa kama dambeyntii hore loo dhaqaaqi lahaa, waxaana aanu ugu tallo-galnay in aynu helno barnaamij ay dumarku ku dhaqaaqaan oo ay wax ku qabtaan oo ay albaab ka albaab tagaan oo ay noqdaan wixii hoggaaminaayey dumarka Somaliland maadaama ay yihiin kuwa codka bixiya,” ayey tidhi Marwo Foosiya Keyse.

Madaxa Ololaha Xisbiga WADDANI Mr. Xamse Kheyre oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in garabka haweenka Xisbiga WADDANI ay soo qorsheeyaan sida loo wajahaayo ololaha Xisbiga WADDANI ee dhanka haweenka, isaga oo tilmamaay in Xisbiga WADDANI muhiim gaara siinayo garabka dhallinyara iyo haweenka ee Xisbigaasi oo uu xusay in ay yihiin kuwa keeni karta codka guusha.
“Waxa aan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa in garabka haweenku ay ka hawlgaleen dariiqa siyaasaddeed ee loo gaadhi lahaa haweenka, hawl weyn baad naga furateen aad iyo aad na waad ugu mahadsan tihiin, waanan idin ku hambalyeynayaa, waxaana la filayaa in waddanka ay ka baxaan 535,000 oo cod in ay ka baxaan oo dadka codeynayaa ay meelahaas noqdaan, Xisbiga WADDANI-na waxa uu ku guuleysanayaa 270,000 cod illaa 300,000 oo cod meelahaas, guusha Xisbigu-na waxa ay ku jirtaa in codkaas aynu sheegnay ay xisbiga u codeeyaan illaa 175,000 oo cod qiyaasahii aanu sameynay baynu rabnaa in aynu guusha na ku hantino. Garabka dhallinyarada iyo kuwa haweenku-na waa kuwa keeni kara guusha Xisbiga ama guuldarada ba, waxaana loo baahan yahay maadaama ay yihiin dadka ugu badan ee coddeeya,” ayuu yidhi Xamse Kheyre.