Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in xisbigoodu jecelyahay axsaab mucaarad awood leh oo kula tartama doorashooyinka soo socda.
Xoghaye Xasan Siciid oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay Hargeysa shalay, waxa uu u soo jeediyey xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inay khilaafkooda dhammaystaan, balse waxa uu xusay in aanay wax farogelin ah ku samayn xisbiyada mucaaradka.
“Xisbiga KULMIYE siyaasaddiisa iyo barmaamijkiisuba waxay ku salaysan yihiin in aannu farogalin arrimaha daakhiliga ah ee axsaabta kale, markaa arrintaasi waa mid u taala xisbiga WADDANI oo isaga u gaar ah, laakiin annagu waxaannu jecelnahay inay arrimahooda dhammaystaan oo uu soo baxo xisbi awood leh oo mucaarad nala tartamaa,” ayuu yidhi Md. Xasan Siciid oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey siday u arkaan tallaabada xisbiga WADDANI xilka kaga qaaday guddoomiye-ku-xigeennadiisii 1aad iyo 2aad ee ka soo horjeestay natiijadii shirkii golaha dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga uga qaybgali doona doorashooyinka soo socda.
Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee KULMIYE waxa uu beeniyey warar ay warbaahinta qaarkeed baahiyeen oo sheegayey in khilaaf ka dhex jiro Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi iyo murrashaxa ku-xigeenkiisa, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Arintaas waxba kama jiraan, waa arrin been ah oo warbaahinta iyo baraha bulshada loogu faafiyey si qayrul masuulnimo ah, Guddoomiyaha xisbigu waa murrashaxii Madaxweynaha ee xisbiga, Madaxweyne-ku-xigeenkuna waa murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga, markii Madaxweyne-ku-xigeenku dhaawacu gaadhay waxa si toos ah loogula shaqaynayey gurigiisa oo Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiguba shir kastoo la galayo isagoo sariirta jiifa ayaa halkaa lagula galayey, markii la dhoofinayey saddexdii habeenimo ninka qaaday ee ilaa uu diyaarada uu saaray aan ka iman waa Guddoomiyaha xisbiga.”
Xoghayaha guud oo la waydiiyey doorka xisbigoodu ka qaatay gurmadka loogu jiro abaarta ba’an ee ka jirta dalka Somaliland, waxaannu kaga jawaabay, “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa waxa saaran masuuliyad aan kuwa mucaarad ah saarnayn oo ah in qof kastoo muwaadin Somaliland ah oo dhibaataysan in loo gurmado, xisbiga KULMIYE isagoo taa ka duulaya waxa uu sameeyey iyadoo dadkii oo bakhtiyaya iyo xoolihii oo dhintay inaan xaflado iyo durbaan laga tumin oo aan la odhan ciddan ayaa soo gashay iyo ciddan ayaa la soo dhawaynayaan, waayo xafladda yar ee la qabto maanta saddexda kun oo ee dollar ee ku baxayaa waxay quudin karaan kun qoys oo abaaruhu innaga waxyeeleyeen, markaa arrintaa waanu joojinay. Waxa kaloo uu Guddoomiyaha xisbigu jeebkiisa ka bixiyey $40 kun oo dollar, waxa la diray 300 booyadood oo biyo ah, qurba-joogga xisbiga iyo taageerayaasha xisbiguna waxay ururiyeen lacag badhkeed lagu wareejiyey guddiga abaaraha qaranka, qayb kalana ay soo socoto oo taladeeda gacanta lagu hayo, markaa xisbiga KULMIYE abaabul buu ku jiraa in dadka oo dhan gudo iyo dibadba la galo gurmadkaas, dhinaca bariga ee abaaruhu ku xooggan yihiin Madaxweynaha, Guddoomiyaha xisbiga iyo xisbiga oo wada socdaa way tagayaan.”