X
    Categories: Warar

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Tegey Muqdisho Iyo Baydhabo

Araweelo News Network

Antonio Guterres


Muqdisho(ANN)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa booqasho lama filaan ah ku tegey magaalada Baydhabo, wuxuuna halkaas kula kulmay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.

Gobolka Baay wuxuu ka mid yahay meelaha ugu daran ee abaarta ay saameysay. Xanuunno uu shuban biyood ka mid yahay ayaa halkaasi ka dillaacay, iyadoo dad ka badan 110 qof ku nafwaayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in sidegdeg ah loogu gurmado dadka ay Abaarta saameysay si looga hortago macaluul baahda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey oo sidoo kale booqday Magaalada Muqdisho, wuxuu intii uu ku sugnaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Khayre iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan AMISOM, kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa xaalada ammaanka ee sii xumaanay iyo Abaarta baahsan ee kusii socota wadada macaluusha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres oo booqashadiisa Soomaaliya tahay mid qaadan doonta maalin, ayaa noqonay tii ugu horaysay ee uu ku tago mudadii uu xilka hayay, ayaa ahayd mid aan hore loo shaacin oo lagu macneeyay inay tahay mid degdeg ah oo la doonayo in wax lagaga qabto Abaaraha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu gaadhay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo yidhi, “Hadda ayaan Soomaaliya ku gaadhay booqasho degdeg ah si aan diiradda u saaro gaajada iyo daacuunka. Dad badan ayaa dhimanaya, waa in dunida ay si degdeg ah uga jawaabtaa xaaladda sii xumaanay. “ayuu ku qoray bartiisa Twitter-ka Guterres.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay in macaluul ay ka dillaacdo Soomaaliya, Yaman iyo Nigeria ka dib markii xaalad halis ah oo macaluul ah lagaga dhawaaqay Suudaanta Koonfureed, bishii la soo dhaafay, waxayna Qaramada Midoobay codsatay in 4 bilyan oo dollay loogu gurmado dalalkaasi Afarta ah ee Abaarahu ay sida xun u saameeyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post