X
    Categories: Warar

Xoghayaha Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Xoriyadiisa Loo Celiyay Kadib Markii Uu Muddo Ka Baddan Todobaad U Xidhan Koox Isu Bahaysatay

Hargeysa(ANN)Xoghayaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo muddo ka baddan Todobaad ku xidhan Xabsiga Magaalada Hargeysa. Kadib markii Todobaadkii hore oo khilaaf ka taagnaa Golaha Wakiiladda la xidhay, ayaa xoriyadiisa loo celiyay maanta gelinkii danbe.
Xoghayaha, ayaa u xaqiijiyay shebekada Araweelo News Network in maanta gelinkii danbe lasii daayay, wuxuuna ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababta xadhigiisa oo u muuqday mid siyaasadeed, iyadoo aan la oggayn ujeedada xadhigiisa, isla markaana mudadii uu xidhnaa loo diiday in ay booqdaan Eheladiisa iyo asxabtiisa.

Khilaafka Golaha Wakiiladda oo shalay laga soo saaray go’aan, ayaa la filayay in lagu soo daro sii deynta Xoghayaha Golaha Wakiiladda, balse laguma soo darin qodobada lagu soo afjarayay xiisadaa in xoriyadiisa loo celiyo Xoghayaha.
Lama garanayo sababta xadhigiisa iyo culayska dheeraadka ah ee la saaray Xoghayaha oo loo diiday xataa Xildhibaano doonayay in ay booqdaan, isla markaana ma jirto wax maxkamad ah oo xukun ku riday, iyadoo mudadaa aan la horgayn Ha’yaddaha garsoorka.
Warar la xidhidiha Xadhiga Xoghayaha, ayaa tibaaxaya in ergooyin xildhibaano ah oo doonayay in lasiidayo Xoghayaha, maadaama aan wax denbi ah loo hayn ay arrintaa kala hadleen Guddoomiye Saleebaan oo hoggaaminayay Ergada guurtida ee dhex-dhexaadinaysay dhinacyada Xildhibaanada, balse guddoomiye Saleebaan, ayaa ugu danbayntii sheegay in aanu xadhiga xoghayaha awood u lahayn oom meelo kale ka xidhanyahay.
Xadhiga Xoghayaha, ayaa lala xidhiidhiyay aargudasho siyaasadeed oo ay ka danbeeyaan Xildhibaano madaxtooyadda ka hor Botoriya oo uu Hormood u yahay Cali Mareexaan, kuwaas oo gacan ka helaya wasiirka madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali iyo Xubno kale oo Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post