X
    Categories: Warar

Xoghayaha Difaaca Dawladda Britain Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) Iyo Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani oo Madaarka Hargeisa Egal International Airport kusoo dhiwaynaya Xoghayaha difaaca Britain Mr. Alexander Williamson, 6 January 2019.

Hargeysa(ANN)-Xoghayaha Difaaca ee dawladda Britain Gavin Alexander Williamson, ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku yimi maanta Jamhuuriyadda Somaliland.

Xoghayaha difaaca Britain Mr. Alexander Williamson, oo ka soo dagay dhabaha diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, waxa Madaarka kusoo dhoweeyay Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) Iyo Xoghayaha difaaca Britain Mr. Alexander Williamson, 6 January 2019.

Wasiirka gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Alexander Williamson, wuxuuna Wasiir Ciise Xawar sheegay dawladda Britain wada shaqayn weyn ka dhaxayso, isagoo yidhi. ‘’Waxaanu dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Alexander Williamson oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’ Ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay.

Dhinaca kale booqashada Xoghayaha difaaca dawladda Ingriiska Mr. Gavin Williamson ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf u dhexeeyey dawladda Federaalka Iyo Ergayga Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida, iyadoo xukuumadda Somaliland mawqif kaa ka duwan ka qaadatay artintaa, balse lama shaacin in Xoghayaha difaaca booqashadiisu qayb ka tahay arrinamaa.

Dhinaca kale dawladda Britain, ayaa xidhiidh dhow la leh Somaliland, waxayna si weyn uga qayb qaadataa mashaariicda dhanka horrumarka oo ay door weyn ka cayaarto Britain.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post