X
    Categories: Warar

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Rex Tillerson Oo Baajiyay Kulamo U Qorshaysnaa Kadib Xaalad Caafimaad Oo Soo Waajahday

Araweelo News Network

Rex Tillerson oo la kulmay Uhuru Kenyatta

Nairobi(ANN)-Rex Tillerson Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykaka, ayaa baajiyay kulamadii la qorsheynayay inuu maanta oo Sabti ah ku qaato Nairobi, sababa la xidhiidha caafimaadkiisa oo liita.

“Xoghayaha caafimaadkiisa ayaan wanaagsanayn kadib dhowr maalmood oo uu ku jiray shaqa adag oo la xidhidha arrimaha Kuuriyada Waqooyi”, ayaa lagu yidhi qoraal ay shaacisay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.

Mr Tillerson oo Afrika ku jooga booqashadiisii ugu horeeysay ayaa dalka Kenya joogi doono ilaa iyo maalinta Isniinta ah.

Waxaa u qorshaysnayd inuu maanta booqdo mashaariicda ka socda dalka Kenya ee  HV/AIDS oo ay dowladda Mareykanka maalgelisay iyo inuu ka qeybgalo xaflad loo sameynayay sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay weerarkii ay Al Qaacidda ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Arrintan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu madaxweeynaha Mareykanka Donald Trump oggolaaday in uu la kulmo madaxweeynaha Kuuriyda Waqooyi Kim Jong-un Bisha May ee soo socota.

Mas’uuliyiinta safarkan ku wehliya Mr Tillerson ma ay sheegin nooca xannuun ee xoghayaha, haseyeeshee waxaa loo maleeynayaa in xanuunkiisu uu yahay mid sahlan oo la xidhiidha daal ka dhashay sharada adag ee uu hayo iyo talaabooyinka go’aamada Madaxweyne Trump oo ah kuwo aan laysku halayn karin.

Mr Tillerson ayaa joogay caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa markii uu so baxay warka sheegaya in Trump uu aqbalay inuu la kulmo Mr Kim Khamiistii.

Go’aankan ayaa lagu soo warramayaa inuu Trump qaatay isagoo aan talo gelinin Tillerson, waxaana lala xidhiidhiyay xanuunka soo waajahay Mr. Tillerson.

Saacado ka hor inta aanu go’aanka uu kula kulmayo Trump Madaxweynaha Woqooyiga Kuuriya kasoo  bixin Washington, ayuu Tillerson u sheegay warfidiyeenada in Mareykanka aanu wax wadahadal toos ah la geli doonin Kuuriyada waqooyi mustaqbalka dhaw.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa booqashadiisa kusoo maray dalalka Ethiopia iyo Djibouti, waxaana qorshaha ugu jiray  inuu u sii safro dalalka Chad iyo Nigeria, balse waxa suuragal ah in wax iska bedelaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post