X
    Categories: Warar

Xoghaya Xisbiga WADDANI Oo Ugu Baaqay Xukuumadda In Xoriyadooda Loo Celiyo Maxaabiis Ka Tirsan Xisbigooda

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Xogahaya Guud ee Xisbi Mucaaradka WADDANI Maxamed Cabdullaahi Uur-cade ayaa si adag uga Haddlay Xadhiga ay Xukuumadda KULMIYE kula kacday Cabdiraxmaan Diiriye oo u sharxaa Ugaas, ,kaas oo sida uu sheegay hadda muddo 20 cisho ku dhaw ku xidhan magaalada Hargeysa.
sidoo kale wuxuu ka hadlay Xadhiga Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maalintii shanaad ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa . sida uu sheegay Xoghayaha WADDANI.

Md Maxamed Cabdullaahi Uur-cade xoghayha guud ee Xisbiga WADDANI, ayaa ku tilmaamay xadhigaa mid xaqdarado ah, isagoo sheegay in xataa loo diiday eheladoodu in ay booqdaan, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda KULMIYE in ay si deg deg ah xorriyadooda ugu soo celiso.
” Cabdiraxmaan Diiriye iyo Muniir Axmed Cigaal oo runtii si sharci darro ah oo ka baxsan nidaamka dowlad-nimo iyo shuruucda qarankani uu leeyahay oo saldhiga ku xidhan oon maxakamada la keenin oo ilaa maanta dadkiina loo diidanyahay in ay u galaan aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa,waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ay madax-dhaqameedkaa qaranku leeyahay iyo siyaasiyiintaa Xisbiga WADDANI ka tirsan ee uu Muniir ka mid yahay in si dhakhso ah loo soo daayo,” ayuu yidhi qoraal uu soo saaray Xoghayaha WADDANi, Mr. Uurcade

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post