Araweelo News Network

ciroiyouurcadeHargeysa (ANN)-Xogahaya Guud ee Xisbi Mucaaradka WADDANI Maxamed Cabdullaahi Uur-cade ayaa si adag uga Haddlay Xadhiga ay Xukuumadda KULMIYE kula kacday Cabdiraxmaan Diiriye oo u sharxaa Ugaas, ,kaas oo sida uu sheegay hadda muddo 20 cisho ku dhaw ku xidhan magaalada Hargeysa.
sidoo kale wuxuu ka hadlay Xadhiga Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maalintii shanaad ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa . sida uu sheegay Xoghayaha WADDANI.

Md Maxamed Cabdullaahi Uur-cade xoghayha guud ee Xisbiga WADDANI, ayaa ku tilmaamay xadhigaa mid xaqdarado ah, isagoo sheegay in xataa loo diiday eheladoodu in ay booqdaan, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda KULMIYE in ay si deg deg ah xorriyadooda ugu soo celiso.
” Cabdiraxmaan Diiriye iyo Muniir Axmed Cigaal oo runtii si sharci darro ah oo ka baxsan nidaamka dowlad-nimo iyo shuruucda qarankani uu leeyahay oo saldhiga ku xidhan oon maxakamada la keenin oo ilaa maanta dadkiina loo diidanyahay in ay u galaan aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa,waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ay madax-dhaqameedkaa qaranku leeyahay iyo siyaasiyiintaa Xisbiga WADDANI ka tirsan ee uu Muniir ka mid yahay in si dhakhso ah loo soo daayo,” ayuu yidhi qoraal uu soo saaray Xoghayaha WADDANi, Mr. Uurcade