X
    Categories: Warar

Xoghaya Siyaasadda WADDANI oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa Xasuusiyay dhacdooyin Xanuun baddan oo soo Maray


London(ANN) “maalintii Hay’adda Care loo diiday Aamina Weris, wixii naga dhacay waatii la oggaa. mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo madaxweynaha sharafta baddan iyo marwadiisa dedaalka baddan waxaan leeyahay shalay dulmiga weynu wadda necbayn ana waan idin garabtaagnaa.”

sidaa waxa yidhi, Xoghayaha siyaasadda Xisbiga waddani Maxamud Raage Ibraahim oo shirjaraa,id ku qabtay magaaladda Birmingham ee dalka Ingiriiska, wuxuuna ka hadlay dhacdooyin la xidhiidha amniga oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaaalada hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha debedda oo xilkaasi iska casilay kadibna ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee waddani mudane maxamud raage oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “ waxaa ayaan-darra ah oo nasiib xumo ah inay ay caruurtii reer Somaliland qaarka mid ahi ay ku baxaan gacantii ciidanka bileyska,qadarta lama diidana oo illaahay subxaanuhu watacaala ayaa qadarta haya oo ay gacantiisa ku jirtaa,shilna wuu dhici karaa laakiin markii aanu dhagaysanay doodihiinii ,doodii ciidanka bileyska dhexmartay iyo siyaasiyiintii iyo dhalinyaraddii markaanu dhagaysanay doodii ninkii inankiisu ku dhintay ee Axmed Jabaan, markaan maqalay warkii naga soo gaadhay saldhiga booliska ee inanka rasaastu ku dhacday,markaanu maqalnay shilkii ka dhacay xaafadda daami ee inanku ku dhaawacmay intaa markaanu isu gaynay waxaa soo baxday inay jirto qayral masuuliyadda darro katimi xaga xukuumadda gaar ahaan taliskii ciidanka booliska ee qiimaha badnaa ee aanu ixtiraami jirnay ”.
Xoghayaha siyaasadda xisbiga waddani maxamud raage ibraahim wuxuu siddoo kale tacsi u diray ehelkii iyo qaraabaddii ay ka baxeen dhalinyaraddii ku baxay gacanta ciidanka booliska gaar ahaan mujaahid axmed jabaan oo uu si gaar ah u xusay.

Xoghayaha siyaasadda xisbiga waddani mudane maxamud raage wuxuu madaxweyne siilaanyo iyo marwadda koowaad ee Somaliland xasuusiyay maalmo taarikh leh oo soo maray waxaanu yidhi “ mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo,madaxweynaha sharafta badan iyo khayr alla ha siiyee marwadiisa dedaalka badan waxaan leeyahay shalay dulmiga weynu wada necbayn, ana waan idin garab taagnaa,maalintii aamina care loo diiday wixii naga dhacay waatii la ogaa, maalintii axmed ciidanku rasaas ku fureen wixii qaylo naga dhacay waa la ogaa ,manta jawaabaa idin hortaala ,Axmed jabaan Xabadda inankiisa madaxa kaga dhacday meelsaara, Taliyihiina iyo wasiirkiinu meel ha saaraan.”

Maxamud Raage siddoo kale wuxuu sheegay inay manta u muuqato kutuhusho sharci iyo inay xukumaddu hortaagan tahay xeerkii doorashadda ee golaha wakiiladda , waxaanna uu soo jeediyay in la diyaariyo doorashadda guurtidda lafteeda isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu yidhi “ Sharci daraan arkaa ,maamul xumaaan arkaa,haddaynu xeerka gudbi kariweyno dowladnimadaynu caadayaynaaye arrintii Somaliland dib haloo eego”. ayuu yidhi Raage.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post