Xoggo La Xidhiidha Hawgalkii Shirqoolka Ay Ka Badbaaday Daallo Airline Iyo Jawabaaha Weli Laalan Ee Macluumaadka Baadhitaanka Dhacdadaa
Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network

Authorities are trying to figure out the reason for an explosion and fire that blew a gaping hole into the side of a Somali jetliner Tuesday, forcing an emergency landing at the airport on Mogadishu.

Authorities are trying to figure out the reason for an explosion and fire that blew a gaping hole into the side of a Somali jetliner Tuesday, forcing an emergency landing at the airport on Mogadishu.


Mogadishu(ANN)Baadhitaano lagu sameeyey diyaaradii Daallo Airlines AIRBUS 321 flight nambarkeeduna ahaa 3159, isla markaana u socotay Djibouti Salaasadii lasoo dhaafay, oo ay saarnaayeen 74 qof oo rakaab ah iyo 7 shaqaale ah, ayaa si rasmi ah loogu oggaaday sababta keentay qaraxa.
Duyaaradda, ayaa hawada ku jirtay 20 daqiiqo, basle markii shilku ku yimi kadib si deg deg ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cabdulle, iyadoo laga samata bixiyay dadkii saarnaa marka laa reebo qof ka dhacay diyaaradda kadib markii uu ka dhex dhacay Qarax.

Baadhitaanka dheeraadka ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali iyo kuwo caalami ah, waxay xaqiijinayaan in Qaraxii ka dhex dhacay diyaaradii Daallo Airlines aanu aheyn mid ka dhashay cilad farsamo, ee uu ahaa mid loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa.

Dawlada Somalia, ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay gudaha diyaaraddaasi.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dadweynaha ka dhoofa iyo kuwa kasoo dega garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle u sheegtay in la waddo hawlo lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga. Sidoo kale waxay ka codsatay dadweynaha Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka ee u heelan sugida amnigooda.

“Ma ahayn rakaabka aan sidnay ee saarnaa diyaaradii Daallo kuwayagii, hase yeeshee Shirkada Turkish Airlines ayaa baajisay duulimaad ay ku iman lahayd Muqdisho subaxnimadii Salaasada, sababo la xidhiidha dabaylo dhacayay sida ay sheegeen shirkadda Turkish Airlines,” sidaa waxa yidhi. sida uu warbaahinta u sheegay Mohamed Ibrahim Yasin Olad oo Madaxa Shirkadda Daallo, kuwaas oo sida uu sheegay Turkish Airlines ay ka codsatay inay u soo qaadaan rakaabkaas oo ay Djibouti keenaan si ay iyaguna halkaa ay ka sii qaadiaan.

“Turkish Airlines wax xidhiidh ah nalama soo sameyn tan iyo markii uu shilku dhacay. Wayna caddahay inay iska fogeynayaan shilkan.”ayuu yidhi Mr. Olad oo ka hadlayay dhacdadaa.
Dhinaca kale xoggo shebekadda Araweelo News Network heshay oo la xidhiidha qaraxa, ayaa sheegaya in Diyaaradda Turkish Airline saddex cisho ka hor joojisay duulimaadkii ay ku iman jirtay Muqdisho, taas oo la rumaysanyahay inay sabab u ahayd arrimo la xidhiidha amnigeeda oo ay heshay, iyadoo rakaabka Daallo ka qaaday Muqdisho ee la kulmay dhacdada qaraxa ay ahaayeen kuwii ay qaadi lahayd Turkish Airline.

Sidoo kale muuqaalada lagu oggaaday baadhitaanka caalamoga ah ee shirqoolkii ay ka badbaaday Diyaaradda Daallo, ayaa lagu sheegay in waxa qaraxu ka dhashay uu aha a Laptop loo dhiibay Abdullahi Abdisalam Borleh oo ahaa qofka diyaaradda ka dhacay, kaas oo aan la xaqiijin Karin inuu oggaa qofka loo dhiibay in walxaha qaraxa lagu rakibay Laptobka loo dhiibay iyo in kale, wuxuuna Abdullahi Abdisalam Borleh oo noqday qofka keliya ee ka dhacay Diyaaradda.
Ma jirto cid sheegatay ilaa hadda qaraxa Diyaaradda, waxaana weli laalan macluumaad dheeraad ah oo la xidhiidha ciddii ka danbaysay, balse Diyaaradda Daallo oo geyiga Soomaalida ee colaaduha iyo dagaaladu hadheeyeen ka shaqaynaysa rubuc qarnigii lasoo dhaafay, ama dhawr iyo labaatakii sanadood ee u danbeeyay, ayaa noqotay diyaarad Caalami ah oo isaga gooshta guud ahaan dhulka Soomaalidu degto iyo dunida kale, waxayna kasbatay sumcad iyo magac weyn oo u suurta geliyay inay gasho Caymis Caalami ah, isla markaana diyaaradeheedu noqdaan kuwo waafaqsan farsmo ahaan heerka caalamiga ah ee shirkaddaha diyaaradaha, iyadoo ay hawlgalka qaraxa ee Daallo ka badbaaday aanay ka badbaadin diyaaraddo shirkaddo iyo dawlado boqolaal sanadood soo jiray lahayeeen, kuwaas oo duuliyayaashii waday awoodi waayeen inay badbaadiyaan rakaabkii saarnaa, waxaana tusaale loo soo qaadan Karaa Diyaaradii Rashia ee ku dhacday Masar sandkii ina dhaafay Nov 2015, taas oo 224 qof ku nafwaayeen Russian Airbus plane (Russian A321), iyo Diyaaraddii dalka Malaysia ee duulimaadkeedu ahaa Flight MH17, taas oo kusoo dhacday July 17, 2014. xadka Ukraine iyo Ruushka, iyadoo ay ku nafwaayeen 298 qof, isla markaana noqotay mid abuurtay muran caalami ah, balse Daallo waxay ku duwanayd diyaaradahaa iyo kuwo kale waxa Duuliyaha Diyaaradda Vlatko Vodopivec uu badbaadiyay rakaabkii saarnaa, kuwaas oo si nabadgelyo ah loogu celiyay garoonka Muqdisho marka laga reebo qofkii ka dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa weli laalan su’aalo jawaabahooda looga fadhiyo xukuumadda Somalia, iyadoo la rumaysan yahay in shiroolka lala beegsaday shirkada Daallo Airlane aanay sinaba uga badbaadayn saraakiisha amaanka ee Somalia iyo shirkaddo shisheeye oo tartan ka dhexeeyo shirkadda Daallo, balse waxaynu eegi doonaa jawaabta kama danbaysta ah halka ay isgu biyo shubato.
Warbixin: By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com