Araweelo News Network

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu attends the weekly cabinet meeting at his office in the occupied Jerusalem al-Quds on January 15, 2017. (Photo by AFP)

Qudus (ANN)- Kulan qarsoodi ahaa oo dawladda Maraykanku isku horfadhiisisay hoggaamiyayaasha waddamo ka mid ah Carabta iyo madaxda Israa’iil, ayaa noqon waayey mid midho-dhal ah oo wax ku kordhiya dedaallada nabadda Bariga Dhexe.
Xogo laga helay laba ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee dawladdii Madaxweyne Obama, ayaa xaqiijiyey in Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Mr. John Kerry uu kulan qarsoodi ah isku soo horfadhiisiyey Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda Mr. Benjamin Netanyahu iyo madax ka tirsan kuwa dawladaha Carabta oo ay ku jiraan Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdullah 2 iyo Madaxweynaha Masar Mr. Cabdulfataax Al-Sisi, kaas oo ka dhacay magaalo-xeebeedka dhinaca Koonfureed ee dalka Jordan ee Aqaba bishii February ee sannadkii hore ee 2016, waxaanna ujeeddadiisu ahayd qorshe cusub oo lagaga wadahadlo xal-u-helidda nabad waarta oo la dhex dhigo Israa’iil iyo Falastiin iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.
Xogtan oo uu markii u horreysay baahiyey wargeys ka soo baxa Israa’iil oo la yidhaa Haaretz daily oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa sida laga soo xigtay saraakiisha sarsare ee xukuumaddii Obama ay sheegeen in Xoghayihii hore ee Maraykanka Mr. Kerry uu ku soo bandhigay kulankaasi qorshe ay dalalka Carabta ee Gobolku ugu aqoonsadaan Israa’iil qaran Yuhuudi leedahay, kaas beddelkiisana ay Israa’iil dib u cusboonaysiiso wadadahadalladii nabadeed ee Falastiiniyiinta oo ay ka qaybgalaan dalalka Carabtu, isla markaana Yuhuuddu ka baxdo deegaamada ay xoogga ku haysto ee ay ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sannadkii 1967-kii.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in kulanka qarsoodiga ah oo qabsoomay 21-kii bishii February ee 2016 uu qorshihiisu ahaa mid wax lagaga beddelayo dedaalka 15 jirsaday ee nabadda ee la odhan jiray ‘Dadaalka Nabadda Carabta,’ isla markaana uu noqdo qorshe uu hoggaamiyo dawladda Sucuudigu oo u soo bandhigay Israa’iil inay nabad la qaadato daraasiin dawlado Carab ah oo u aqoonsada dawladnimadooda Yuhuudda, halka Israa’iil-na bannaynayso dhulka Bariga Dhexe ee ay qabsatay sannadkii 1967, lana helo Falastiin oo ah qaran madaxbannaan. Sidoo kalena waxa la sheegay in wadahadalka uu qayb ka ahaa qodob sheegayey in qaxootiga Falastiin ay xaq u yeeshaan inay dib u helaan hantidii ka baa’baday ee ay ku lahaayeen dhulka ay hadda haysato Israa’iil.
Haseyeeshee, waxa la sheegay in kulankaasi natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda Mr. Benjamin Netanyahu uu diiday qorshaha, gaar ahaan qodobka dhigaya in Israa’iil ka baxdo dhulka ay xoogga ku haysato, isla markaana uu sheegay in aannu awood u lahayn go’aan ka gaadhista heshiis dhexmara Israa’iil iyo Carabta.
Waxa kaloo xogtu tibaaxday in Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo qayb ahaan wadahadalka ogolaa uu dalbaday inuu arrintan ka qaybgaliyo hoggaamiyaha mucaaradka dhexdhexaad ah ee dalkiisa oo magaciisa la yidhaa Isaac Herzog si uu taageero ugu helo nabad dhexmarta Yuhuudda iyo Carabta, balse waxa uu si degdeg ah u beddelay damaciisa kadib markii uu xukuumaddiisa ku soo daray ninka hoggaamiya xisbiga muwaadiniinta xag-jirka ah Mr. Avigdor Lieberman oo uu ka dhigay Wasiirkiisa Difaaca.
Hoggaamiyaha mucaaradka dhexdhexaad ah ee Israa’iil Mr. Herzog oo ka hadlayey telefishanka Channel 10 Axaddii toddobaadkan waxa uu yidhi, “Arrintani waxay beddelaysay wejiga uu leeyahay Bariga Dhexe, ugu dambayntana ka meesha ka bixi lahaa waa Netanyahu Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil.”
Waxa kaloo uu iftiimiyey in Ra’iisal-wasaaraha Yuhuuddu diyaar u ahaa inuu joojiyo degaamaynta laga sameeyo dhulka Falastiin, gaar ahaan goobaha Daanta Galbeed (West Bank), balse uu arrintaas u fulin waayey cabsi uu ka qabo xulafadiisa xag-jirka ah ee ka tirsan xukuumadda Israa’iil, iyadoo taasina muujisay sida aannu Ra’iisal-wasaaruhu wax awood ah ugu lahayn inuu go’aan ka gaadho qaddiyadda khusaysa dhulka Falastiin iyo nabad lala galo dawladaha Carabta-wasaaraha Yuhuuddu awood u lahayn go’aan-ka-gaadhista heshiis dhexmara Israa’iil iyo Carabta

Qudus (ANN)- Kulan qarsoodi ahaa oo dawladda Maraykanku isku horfadhiisisay hoggaamiyayaasha waddamo ka mid ah Carabta iyo madaxda Israa’iil, ayaa noqon waayey mid midho-dhal ah oo wax ku kordhiya dedaallada nabadda Bariga Dhexe.
Xogo laga helay laba ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee dawladdii Madaxweyne Obama, ayaa xaqiijiyey in Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Mr. John Kerry uu kulan qarsoodi ah isku soo horfadhiisiyey Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda Mr. Benjamin Netanyahu iyo madax ka tirsan kuwa dawladaha Carabta oo ay ku jiraan Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdullah 2 iyo Madaxweynaha Masar Mr. Cabdulfataax Al-Sisi, kaas oo ka dhacay magaalo-xeebeedka dhinaca Koonfureed ee dalka Jordan ee Aqaba bishii February ee sannadkii hore ee 2016, waxaanna ujeeddadiisu ahayd qorshe cusub oo lagaga wadahadlo xal-u-helidda nabad waarta oo la dhex dhigo Israa’iil iyo Falastiin iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.
Xogtan oo uu markii u horreysay baahiyey wargeys ka soo baxa Israa’iil oo la yidhaa Haaretz daily oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa sida laga soo xigtay saraakiisha sarsare ee xukuumaddii Obama ay sheegeen in Xoghayihii hore ee Maraykanka Mr. Kerry uu ku soo bandhigay kulankaasi qorshe ay dalalka Carabta ee Gobolku ugu aqoonsadaan Israa’iil qaran Yuhuudi leedahay, kaas beddelkiisana ay Israa’iil dib u cusboonaysiiso wadadahadalladii nabadeed ee Falastiiniyiinta oo ay ka qaybgalaan dalalka Carabtu, isla markaana Yuhuuddu ka baxdo deegaamada ay xoogga ku haysto ee ay ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sannadkii 1967-kii.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in kulanka qarsoodiga ah oo qabsoomay 21-kii bishii February ee 2016 uu qorshihiisu ahaa mid wax lagaga beddelayo dedaalka 15 jirsaday ee nabadda ee la odhan jiray ‘Dadaalka Nabadda Carabta,’ isla markaana uu noqdo qorshe uu hoggaamiyo dawladda Sucuudigu oo u soo bandhigay Israa’iil inay nabad la qaadato daraasiin dawlado Carab ah oo u aqoonsada dawladnimadooda Yuhuudda, halka Israa’iil-na bannaynayso dhulka Bariga Dhexe ee ay qabsatay sannadkii 1967, lana helo Falastiin oo ah qaran madaxbannaan. Sidoo kalena waxa la sheegay in wadahadalka uu qayb ka ahaa qodob sheegayey in qaxootiga Falastiin ay xaq u yeeshaan inay dib u helaan hantidii ka baa’baday ee ay ku lahaayeen dhulka ay hadda haysato Israa’iil.
Haseyeeshee, waxa la sheegay in kulankaasi natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda Mr. Benjamin Netanyahu uu diiday qorshaha, gaar ahaan qodobka dhigaya in Israa’iil ka baxdo dhulka ay xoogga ku haysato, isla markaana uu sheegay in aannu awood u lahayn go’aan ka gaadhista heshiis dhexmara Israa’iil iyo Carabta.
Waxa kaloo xogtu tibaaxday in Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo qayb ahaan wadahadalka ogolaa uu dalbaday inuu arrintan ka qaybgaliyo hoggaamiyaha mucaaradka dhexdhexaad ah ee dalkiisa oo magaciisa la yidhaa Isaac Herzog si uu taageero ugu helo nabad dhexmarta Yuhuudda iyo Carabta, balse waxa uu si degdeg ah u beddelay damaciisa kadib markii uu xukuumaddiisa ku soo daray ninka hoggaamiya xisbiga muwaadiniinta xag-jirka ah Mr. Avigdor Lieberman oo uu ka dhigay Wasiirkiisa Difaaca.
Hoggaamiyaha mucaaradka dhexdhexaad ah ee Israa’iil Mr. Herzog oo ka hadlayey telefishanka Channel 10 Axaddii toddobaadkan waxa uu yidhi, “Arrintani waxay beddelaysay wejiga uu leeyahay Bariga Dhexe, ugu dambayntana ka meesha ka bixi lahaa waa Netanyahu Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil.”
Waxa kaloo uu iftiimiyey in Ra’iisal-wasaaraha Yuhuuddu diyaar u ahaa inuu joojiyo degaamaynta laga sameeyo dhulka Falastiin, gaar ahaan goobaha Daanta Galbeed (West Bank), balse uu arrintaas u fulin waayey cabsi uu ka qabo xulafadiisa xag-jirka ah ee ka tirsan xukuumadda Israa’iil, iyadoo taasina muujisay sida aannu Ra’iisal-wasaaruhu wax awood ah ugu lahayn inuu go’aan ka gaadho qaddiyadda khusaysa dhulka Falastiin iyo nabad lala galo dawladaha Carabta.