X
    Categories: Warar

#Xisbiyada Mucaaradka Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu God Madaw Ku Riday Rajadii Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, 17 December 2019, Araweelo News Network.


“Waxay Ku Baaqeen in Doorashooyinii Qorshaysnaa Lasoo Qadimo Si Dalka Loo Badbaadiyo”


Hargeysa(ANN)-Xisbiyada Mucaardka, ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxayna ku tilmaameen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi u xuub-siitay keli taliye, isla markaana uu bur-buriyay dumuqraadiyadii tacabka badan galay, sidoo kalena uu minja-xaabiyay Qaranimadii iyo Midnimadii Umadda Somalialnd.


Sidaa waxa warbaahinta horteeda ka sheegay maanta Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo akhriyay war-murtiyeed ay wada jir usoo saareen oo ay ku derseen xaalada siyaasadeed ee dalka.


“Waxa muuqata inuu mija-xaabiyay qaranimadii iyo Midnimadii Umadda Somaliland oo maanta ku jirta jiha-wareer siyaasadeed, waxa muuqata inuu xintan iyo xafiiltan ka dhigay maamulkii dalka ee loo igmaday, isla ma markaana si badheedh ah u jebiyay Dastuurkii iyo xeerarkii dalku lahaa,” ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI, oo ay harreera joogaan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo saraakiisha sare ee labada xisbi qaarkood.


Guddoomiye Cirro, wuxuu sheegay in Madaxweyne Bixii uu cid waba oo dalka lexejeclo ka lahayd uu dhabarka usoo jeediyay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Go’aanadii dhex-dhexaadinta ee la doonayay in lagu soo af-jaro murankii Komishanka iyo Hay’addaha sharciga oo noqday kuwo isaga u shaqeeeya.


“Wuxuu si badheedh ah xididada ugu siibay Hay’addihii sharciga ahaa, oo noqday Saylad Muuse ka adeegto, wuxuu Muuse dhabarka usoo jeediyay cid kasta oo lexejeclo ka lahayd horrumarka dalkan, haddii ay tahay Xisbiyada Mucaaradka iyo haddii ay tahay Beesha Caalamka, Wax-garadka iyo Culimada Somaliland, waxaana u danbeeyay go’aankii saddexda Xisbi aqbaleeen ee guddida dhex-dhexaadinta, waxay ataasi keentay inuu maanta dalka ku rido God madaw oo aanay weligeed kasoo waaqsan oo ina dhaxalsiisa tacab-khasaar weyn.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro oo akhriyay war-murtiyeedka ay labada xisbi ee Mucaaradku soo wada saareen.


Waxa uu sheegay in dhawaaqa Madaxweyne Muuse Biixi kaga dhawaaqay khudbadii uu ka jeediyay labada gole hortooda ee furitaanka Ururada Siyaasada, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay bur-burinta Xisbiyada qaranku qorshe keli-talisnimo oo sida uu sheegay Madaxweynuhu wato,

“Arrimahan wuxuu doonayaa inuu indhaha dadka kaga jeediyo fashilka siyaasada arrimaha Dibbada iyo hoggaaminta guddaha, wuxuuna doonayaa inuu dib u riixo doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiiladda ee qorshaysnaa sannadkan, isla markaana uu helo mudda-kordhin xaaraan ah, oo baabiiyo xeer L/ 14, ugana ansaxsado golayaasha oo u soo saaro Ururo isaga taabacsan.”


Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu ku sifeeyay in xeerarka loo bedelo dano gaar ah inay tahay sharci-daro, “Xeer walaba oo khuseeya arrimaha Doorashooyinka oo aan laga tala-gelin axsaabta qaranka waa sharci-daro, waana xaaraan.

Labada Xisbi, waxay u arkaan badbaadinta Somliland ee marxaladan maanta aynu ku jiro in doorasho Madaxtooyo oo xilligeedii laga soo hormariyo la qabto sannadkan 2020, maadaama Muuse ku fashilmay hoggaaminta dalka. sidoo kale la qabto doorashooyinkii qorshaysnaa oo ay ugu soo horreeyaan golaha Wakiiladda oo mudda dhaafay 2020 iyo golayaasha deegaanka, “


waxa uu sheegay inay fursad kooban siinayaan dedaalka Beesha caalamka, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi ay kula kulmeen isaga (Guddoomiye Cirro iyo Maxamed Biixi Yoonis), isla markaana ku war geliyay isagoo sida uu sheegay Madaxweyne Biixi, kulan aanu filayn uu Addis Ababa kula kulmay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, ” Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Ra’iisal Wasaare Abiy ku wargeliyay in uu dib u bilaabayo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin Madaxweyne Biixi nalama wadaagin safarka Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo kusoo waajahn yihiin Somaliland.”


Guddoomiye, Cirro, aya xusay in sida loo sheegay in Madaxweyne Biixi xubno uu xushay kula yeeshay Madaxtooyadda Somaliland, 15 Feb 2020, kulankaa oo sida uu xusay aannay Xisbiyada Mucaaradku waxba kala socon, kaas oo uu sheegay in laga sheegay hidisaha imaatinka Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, balse waxa uu sheegay inay arrintaasi muran iyo jaah-wareer gelisay shacbiga Somaliland, “Wararka Imaatinka Farmaajo, waxa warbaahinta laga sii daayay hadalo is burinaya, oo ay sheegeen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Guurtida iyo wasiirka Arrimaha Dibedda, waxayna arrintaasi muujinay in aan Umadda run loo sheegin oo looga waramin, wixii dhacay iyo waxa hadda socda. sidoo kale wefdi ka yimi Ethiopia oo siday jawaabtii iyo waxa loogu jawaabay midna lalama wadaagin shacbiga Somaliland iyo Axsaabta midna.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro oo warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed ay labada Xisbi Mucaarad soo wada saareen, waxayna ka gaabsadeen inay wax su’aalo ah warbaahinti weydiiso.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post