X
    Categories: Warar

Xisbiyada Mucaaradka Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Fulin-waayay Go’aamadii Lagu Heshiiyay Iyo KULMIYe Oo Ka Hadlay

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyayaasha Labada Xisbi ee Mucaardka Somaliland ee WADDANI, iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in uu waxba kama jiraan noqday go’aankii guddida dhex-dhexaadinta ee soo baxay 16 Desember, 2019.


“go’aamadii ay soo saareen guddida dhex-dhexaadinta ee saddexda Xisbi iyo Madaxweynaha, go’aamadaa saddexda Xisbi way aqbaleen, labada xisbi waxay aqbaleen gogoshii Madaxweynuhu u fidiyay, markii laysugu yimi kulankii u horreeyay Madaxweynuhu wuxuu codsaday in la siiyo 48-saacadood.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo u hadlay labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID.
Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha ka codsadeen labada Xisbi inuu kala diro Komishnaka cusub, soo celinta Komihsnakii horre iyo sidii loo qaban lahaa doorasho aan ka danbayn 2020, isla markaana u raaco xeerkii loo raacay Komishankii 2009, oo uu ka codsado Madaxweynuhu inay is casilaan, sidaa awgeed wuxuu sheegay in kulankii labaad uu Madaxweyne Biixi ka cudur-daartay in 48-saacadood aanay waxba ku dhammaan, kadibna 14 maalmood lasiiyo si uu hawsha kala dirista Komishanka iyo qodobada ay ka sugayaan uga shaqeeyo.


Balse Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay in markii ay kulankii u danbeeyay oo ahaa kii saddexaad isugu yimaadeen maanta 13 Jan 2020, Madaxtooyadda, “Madaxweynaha waxaan ka sugaynay fulinta go’aankii, waxase go’aankii gunnaanadka Madaxweynuhu noqday in aanu fulin-karin go’aankii guddida dhex-dhexaadinta, wuxuuna ka gacan-taagtay inuu fuliyo.” ayuu yidhim, Guddoomiye Cirro, wuxuuna ugu baaqay xubnaha Komishanka ee khilaafku ka taagnaa inay is casilaan oo dalkooda u tudhaan.


Dhinaca kale Guddoomiye, ku-xigeenka labaad Maxamed Cabdi-dheere oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu waayay sharci uu ku kala diro Komishanka, isla markaana wuxuu ugu baaqay Labada Xisbi Mucaarad inay ka wada hadlaan sidii doorashooyinku u dhici lahaayeen oo loo raadin lahaa dariiqii lagu soo celin-lahaa Komishakii hore kuwa cusubna lagu kala diri lahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post