X

Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka Oo Dhawaaqyo Kulul Ka Bixiyay Dib U Dhaca Doorashooyinka

Cabdulqaadir Jirde

Hargeysa(ANN)-Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland WADDANI iyo UCID, ayaa mawaaqif kala duwan ka bixyay dib u dhaca Doorashooyinka Wakiiladda iyo Golayaasha deeggaanka oo Guddida Doorashooyinka Qaranku shalay si cad u shaaciyeen in aanay qabsoomayn xiligii hore loogu qorsheeyay ee 29 March 2019.

Mudane Cabdulqaadir Jirde oo ka mid ah Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dib u dhaca doorashooyinka ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin, wuxuuna masuuliyada in ay doorashooyinku dib u dhacaan dusha u saaray Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka.

“Waa markii shannaad ee dib u dhac ku yimaado doorashooyinka golaha Wakiiladda, mana aha wax la aqbali karo, masuuliyada arrintaana waxa iska leh Madaxweynaha” ayuu yidhi, Cabdulqaadir Jirde oo warbaahinta la hadlay Maanta. Halkan Ka Daawo Dhawaaqa Xisbiga WADDANI.

 

Dhinaca kale Xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ku tilmaamay dib u dhaca doorashooyinka mid aan la aqbali Karin, wuxuuna masuuliyada dib u dhaca dusha u saaray xukuumadda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post