X
    Categories: Warar

Xisbiga WADDANI Oo Xubno Ka Mid Ah Golaha Wasiirrada Ku Eedeeyey Inay Carqaladaynayaan Hawlaha Doorashooyinka

Araweelo News Network

Uurcade

Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, sheegay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay horjoogsadeen safar shaqo oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu bixi lahaayeen degaannada Gobollada Sanaag iyo Sool.
Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo warraysi siiyey telefiishanka HCTV shalay, ayaa iftiimiyey inay si gaar ah ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu xusay inay si buuxda u dhammaystireen dhaqaalaha ku baxaya hawlaha doorashooyinka, balse, waxa uu sheegay in xubno Wasiirro ah ku hawlan yihiin carqaladaynta doorashada.
“Komishankii qaranka oo diyaargaroobay, diyaariyeyna doorashada, Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweynaha oo dhammaystiray kharashka ku baxaya oo aannu si aad ah ugu mahadnaqayno, gaar ahaan Samsam Cabdi Aadan iyo Madaxweynahaba hawshaas ay qaybtoodii ka soo baxeen ee ay xilka iska saareen, una bixiyeen dhaqaalihii loo baahnaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo aannu u mahadnaqaynaa Komishanka oo iyaguna diyaariyey wixii farsamo ahaan looga baahnaa ee uu qarankan doorasho ku geli lahaa oo maanta (shalay) u baxayey sidii ay warbaahinta u sheegeen degaannada Sool iyo Sanaag, waxaanna dhacday in saaka (subaxnimadii shalay) la carqaladeeyey Komishanka Doorashooyinka, loona diiday inay baxaan oo baabuurtoodii la joojiyey, iyadoo ay amarkaas bixinayaan nin wasiir ah amma rag wasiirro ah oo aan hawshaas meelna ka soo gelin, muddo dheerna ku shaqaynayey in mar walba dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka Somaliland, isagoo madaxweynuhu muddo dheer uu diyaar u ahaa in doorasho ay ka dhacdo dalka.”
Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sidoo kale ku eedeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay ku fashilantay hawlaha la xidhiidha ilaalinta amniga qaranka, gaar ahaan daminta colaadaha ka taagan degaanno ka mid ah Gobolka Sanaag.
“Marka ay amniga timaad, waxa awoodaas leh Wasaaradda Arrimaha Gudaha, markaa si aad ah ayaan u cambaaraynaynaa Wasaaradda Daakhiliga, waxaanan u aragnaa xil-gudasho la’aan oo ay maamulka iyo awoodoodii la wareegeen wasiirro la mid ah, taasna si aad ah ayaan uga xunnahay. Wasiirka aannu maanta (shalay) halkan ka cambaaraynayo Wasiirradu iskuma jiraane ma magacaabayno, laakiin aroorta (Arbacada maanta) ayaannu magacaabaynaa haddii ay hawshaasi sii socoto.”
Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in KULMIYE yahay cadceed sii dhacaysa oo aan wax taageero ah ka haysan bulshada reer Somaliland, waxaannu xusay in xisbiga talada haya looga baahan yahay inay muddada yar u hadhay ilaaliyaan amniga qaranka, kuna dedaalaan inay sidii UDUB oo kale u wareejiyaan talada dalka mustaqbalka dhaw, haddii Ilaahay yidhaah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post